Tuesday, January 19, 2021
Home Wararka Maanta Turkiga oo si kuluul u cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho iyo qasaaraha...

Turkiga oo si kuluul u cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho iyo qasaaraha oo kordhay

259

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda ee Dalka Turkiga ayaa si weyn loogu cambaareeyay weerarradii Xalay ka dhacay Magaaladda Muqdisho oo ay Dadka badani ku dhinteen.

“Naxariista Alle ayaan u rajeyneeynaa kuwa ku geeriyooday weerarrada, waxaan u tacsiyeyneeynaa Qoysaska ay Dadkoodu weerarrada ku dhinteen,kuwa dhaawacmayna Alle ayaynu caafimaad deg-deg ah ugu rajeynaynaa” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaradda arrimaha dibedda ee Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay joogtayn doonto Garab istaagga Dowladda iyo Dadka Soomaaliyeed ee ay walaaltinimadu ka dhaxayso, kuwaasoo wajahaya bay tidhi weerarro argagixiso.

Koox hubaysan oo  ka tirsanayd dhaqdhaqaaqa  Al-Shabaab ayaa Laba Gaari  oo Miineysan Maqribnimadii Jimcaha ee Sabtida soo galaysay ay  ku weerartay goob u dhow xarunta dhexe ee nabad sugidda Qaranka ee NISA iyo Madaxtooyada Soomaaliya, kuwaasoo iska caabin xooggan kala kulmay ciidanka ammaanka.

Wasiirka Amniga gudaha  Soomaaliya, Maxamed Abuukar Isloow, ayaa sheegay in ciidama  ammaanku dowladda Soomaaliya ay dileen dhammaan kooxdii hubaysanayd ee  weerarka soo qaatay oo ka koobnaa Shan qof.

Dhanka kale

Qasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi ayaa kordhay, ayadoo tirada dadka ku dhintay qaraxyadaasi ay gaartay 29 qof.

Ilaha caafimaadka magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in tiradaasi ay dhinteen.

Dowladda ayaa tirada dadka Ku dhintay qaraxyadaasi waxaa ay Ku sheegtay 20 qof.

Warbaahinta caalamiga ah ayaa dadka Ku dhintay qaraxyadaasi waxaa ay Ku sheegeen inay kor u dhaaftay 45 qof.