Turkiga: Waa wax lagu qoslo warka ka soo baxay kaaliyihii hore ee Trump

327
Dhismaha Safaaradda Turkiga uu ku leeyahay magaalada Washington (Xuquuqda Sawirka GOOGLE)
Dhismaha Safaaradda Turkiga uu ku leeyahay magaalada Washington (Xuquuqda Sawirka GOOGLE)

Turkiga ayaa sheegay in wararka tibaaxaya in Micheal Flynn oo kaaliye ka ahaan jiray Aqalka Cad uu qayb ka ahaa shirqool lagu doonayey in qasab loogu gacan geliyo wadaadka Gulen, oo Turkiguna bixiyo malaayiin doolar ay yihiin “wax lagu qoslo”.

Safaaradda Turkiga ee Washington ayaa sheegtay in eedaymahaasi ahaayeen kuwo “gabi ahaan ba been ah oo lagu qoslo sal iy raad toona aan lahayn”.

Turkigu waxa uu ku eedeeyey wadaadka caanka ah ee dalka Turkiga u dhashay ee lagu magacaabo Fatxullah Gulen, in uu ka dambeeyey af-gembigii dhicisoobay ee bishii Juulaay 2016 kii dalkaa ka dhacay.

Isku dayga inqilaabka dhicsoobay ee dalkaasi waxaa ku dhintay dad ka badan 200 oo qof.

Warbixinta ay soo saartay ayaa safaaradda Turkiga uu ku leeyahay magaalada Washington ee dalka Maraykanka waxaa ay Ku tiri ” shacabka Turkigu waxay Maraykanka ka sugayaan inuu sida ugu dhakhsaha badan Fethullah Gulen ugu soo gacan geliyo Turkiga si maxkamad loo hor geeyo”.

Waxaanay intaa ku dartay in “dhamaan eedaha ah in Turkigu miciinsanayo hab sharciga ka baxsani ay gebigooduba yihin been iyo wax lagu qoslo oon raad lahayn”.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa si is daba joog ah ugu baaqay Maraykanka in ay Gulen ka soo qabtaan gobolka Pennsylvania oo uu deganyahay oo ay dalkiisa u gacan geliyaan.