Tuuryare waa taliyaha taliska NISA ee Soomaaliya

317

Tuuryare2Wararka laga helayo aqalka madaxtooyada ayaa sheegaya in kulan gaar ahaa oo ay yeesheen golaha wasiiradda xukuumadda dhexe ee Soomaaliya lagu magacaabay Col. Cabdiraxmaan Maxamed Cumda oo loo yaqaano ‘Tuuryare’ in uu noqdo taliyaha laanta sirdoonka iyo nabadsugidda qaranka ee magaceeda loo soo gaabiyo NISA.

Kulankaasi aan caadiga ahayn waxaa shir guddoominayay ra’iisulwasaare ku xigeen ahna wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta, Ridwaan Xersi Maxamed wuxuuna warbaahinta u sheegay in magacaabista Tuuryare ay uga dhigan tahay wuxuu ugu yeeray ‘xal degdeg ah’ oo loo helo soo celinta ammaanka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo sidoo kale buuxinta baahida loo qabo taliye ay yeelato laanta nabadsugidda Soomaaliya.

Taliyaha cusub ee NISA ayaa imminka ah madaxa maxkamadda ciidamadda difaaca dawladda mana aysan sii shaacinin wasiiraddu cidda ka beddeli doonta xilkaasi uu hayo, hase ahaatee magacaabistiisa ayaa timid maalin kaddib markii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si rasmi ah u aqbalay xil ka qaadista taliyihii hore ee laantaasi, Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.