Arrintan ayaa aheyd mid saacadihii la soo dhaafay si aad ah looga hadal hayay baraha bulshada, iyadoo wariyaha sida toos u tabinayay shirka Jaamacadda Carabta uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ku qalday Madaxweynaha Mauritania.
Boqorka Jordan Boqor Cabdalla-ha Labaad ayaa markii uu ku soo dhoweynayay Madaxweyne Farmaajo xarunta shirka uu ka dhacayay, ayaa waxaa Wariyihii sida tooska ugu soo tabinayay Telefishinka waxaa uu sheegay in Boqor Cabdalla uu salaamayo, soona dhoweynayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Islaamiga Mauritania Mohamed Ould Abdel Aziz.

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmajo Bidix
Hoos ka daawo Tabintii Television ka Qaranka dalka Urdun uu isku qalday madaxwaynaha Soomaaliya iyo madaxwaynaha Mauritania