Uganda: masuuliyiin Shabaab ah ayaa baxsaday

204

Somalia Al Shabab

Sida uu shaaciyay wargeyska ‘The Observer’ oo soo xiganaya saraakiisha sirdoonka Uganda qaarkood, labo nin oo xubno sare ka ah xarakada Shabaab ee Soomaaliya ayaa baxsaday, iyada oo sidoo kale gacanta lagu dhigay 25 qof oo lagu tuhmayo inay xiriir dhow la lee yihiin ururkaasi, kuwaasoo ciidamaddu ay weli baaritaano ku hayaan.  Ragga baxsaday oo magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Cabdinaasir iyo Faasil waxaa la rumeysan yahay inay yihiin Kenyan asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya tababbarna lasoo qaatay dagaalyahanka Shabaab ka hor inta aysan soo gelin magaalo xeebeedka Mombasa.

Sirdoonka Uganda ayaa ka baadigoobayay xaafadaha Kisenyi, Lungujja, Kasubi iyo Bakuli ee bartamaha magaalada Kampala, Maxamed iyo Faasil ilaa iyo bishii hore maadaama ay ku jiraan taxa madow ee waxa loogu yeero ‘kooxaha argagixisada’ fuliya qaraxyada iyo weerarada ismiidaaminta ah.

Dhinaca kale, hadal qoraal ahaa oo ay soo saareen Shabaab waxay ku beeniyeen in Uganda lagu fashiliyay weeraro ay la damacsanaayeen waddankaasi.