Uhuru Kenyatta oo ku guulaystay doorashadii ku ciliska ahayd ee Kenya (Sawiro)

215

Madaxwaynaha xilka haya ee dalka Kenya Uhuru Kenyata ayaa lagu dhawaaqay inuu Ku guulaystay doorashadii madaxtinimo ee 26kii bishan ka dhacday dalka Kenya.

Doorashada ayaa waxaa ay ahayd mid muran fara badan dhalisay taasi oo Ku aadanayd sharcinimada qofka Ku guulaysta bacdamaa aysan doorashada ka qayb galin mucaarad NASA, oo uu hogaamiyo Raila Odinga.

Guddiga Doorashooyinka iyo xudduudaha dalka Kenya ee  loo yaqaano  Independent Electoral and Boundaries Commission (IEBC)  ayaa sacado ka hor Ku dhawaaqay in doorashadii   Ku ciliska ahayd uu Ku guulaystay Uhuru Kenyatta.

Guddiga ayaa sheegay in 98.2 cod uu Ku guulaystay, taasi oo ahayd wax markii horeba la filayay.

Codadkaan ayaa laga soo kala tiriyay 265 deegaan doorasho oo dadwaynaha reer Kenya ay cododkooda ka dhiibteen, ayadoo dastiirka dalkaasi uu qabo in doorasho ay tahay inay ka dhacdo dhammaan 290-ka deegaan doorasho oo dalkaasi uu ka kooban yahay.

Waxaa la sheegay in guddiga uu awoodi waayay in deegaan doorashooyinka ay Ku xoogan yihiin qowmiyadda Railla uu ka soo jeedo maadaama halkaasi ay ka dhaceen rabshado dad ay Ku naf waayeen.

Mucaaradka  Kenya ( National Supper Alliance NASA) ayaa guddiga waxaa uu sheegay inay soo gaareen 0.9 cadadkii la dhuubtay.

IEBC ayaa madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyatta, iyo ku xigeenkiisa William Rutto waxaa ay guddoonsiiyay shahaadooyinkooda guusha.

Halka natiijada looga dhawaaqay ayaa waxaa Ku sugnaa goobjoogayaal caalmi ah iyo kor-joogtada doorashada kor kala socday.

Maxkamadda Sare ee dalka Kenya ayaa natiijadii doorashadii hore dalkaasi uga dhacday waxaa ay ku tilmaantay mid wax is daba-marin iyo qaladaad ay ka jireen ayadoo laashay natiijada doorashadaasi oo Uhuru Kenyatta kaga guulaystay mucaaradka dalkaasi ee uu hogaamiyo Siyaasiga rug-caddaaga ah ee uu dhalay madaxwayne Ku xigeenkii hore ee dalkaasi.

Uhuru Kenyatta iyo Railla Odinga ayaa muddo fog ahaa kuwo tartan siyaasaded oo ay dabada ka riixayaan nacaybka ay isu qabaan labada qowmiyadood ee ay kasoo kala Jeedaan ee Kikuyu iyo Jalwo.

Hoos ka eeg sawiro