UNHCR “26,819 oo qaxooti Soomali ah ayaa diyaar u ah inay ka soo guuraan Dhadhaab”

209

Hay’adda QM u qaabilsan qaxootiga adduunka ee UNHCR ayaa maanta oo Isniin ah sheegtay in 26,819 qaxootiga Dhadhaab ka tirsan ay xaqiijiyeen inay si ikood ah ugu laabtaan Soomaaliya ayadoo   aan la qasbin.

War ay  hay’adaasi soo saartay ayaa sheegay in ayadoo kaashaneysa dawlada Kenya la xaqiijin doono sidii qaxootigaa loo celin lahaa.

Kenya ayaa shaacisay in bisha soo socota ay gebi ahaanba albaabada isugu dhufan doonto xerada qaxooti Caalamka ugu wayn ee  Dhadhaab.

Dadkaa ayaa haatan waxay sugayaan in laga caawiyo sidii dhulkooda hooyo ay dib ugu soo laaban lahaayeen, sidaa waxaa sheegtay UNHCR.

ka dib weeraradii Westgate Mall  iyo kii Jaamacadii Gaarisa Kenya ayaa ka dhawaajisay in qaxootiga Dhadhaab ay ammaan daro ku haayaan wadankaasi.

Haatan ayaa kolonyo gawaari ah oo qaadi jiray qaxootiga noqonaaya la joojiyay oo aysan qaxootiga Soomaaliya u celin intii ugu dambeysay ee la ceshana diyaarado ayaa qaaday.

Warkan ayaa yimid maalmo un  ka dib markii hay’adda dhaqaatiirta aan xadduuda lahayn ee MSF ay sheegtay in badi qaxootigu aysan dooneyn in laga ka xeeyo Dhadhaab.

MSF ayaa  sheegtay in qaxootigu aysan ka heli doonin Soomaaliya adeegyada caafimaadka ee ay haatan ka helaan xeryaha Dhadhaab gaar ahaan kuwooda ugu muhiimsan.