Unicef oo sheegtay in dagaalladii Gaalkacyo ay saameeyeen 20,000 oo carrur ah

310

Sanduuqa Carrurrta QM ee UNICEF ayaa war qoraal ah ka soo saartay xaaladda carrurta ay saameeyeen colaadda ka taagan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

UNICEF ayaa sheegtay in dagaalladdi ka dhacay Gaalkacyo ay Ku barakaceen 90,000 oo qof oo 20,000 oo ka mid ah carruur yihiin.

Hay,adda ayaa sheegtay in tirada carruurtaasi ah aysan waxbarasho haysan, maadaama iskuulada intooda badan ay Ku xirmeen dagaallada.

“Macalimiin ayaa Ku dhaawacmay dagaallada, Afar iskuul ayaa Ku burburay, Shan iskuul oo Ku yaala magaalada banaankeedna Waa ay xirmeen” sidaa waxaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay Hay’adda QM u qaabilsan daryeelka carruurta ee UNICEF.

Steven Lauwerier, oo ah wakiilka UNICEF ee Soomaaliya ayaa sheegay in carruurta Gaalkacyo ay xaalad adag ku nool yihiin, dagaalladuna ay saameeyeen Waxbarashadooda iyo waliba nolashooda.

“Waa in la xaqiijiyo sidii carrurta  Ku barakacay Gaalkacyo ay Ku heli lahaayeen waxbarasho. Waa in loo helo iskuulo banaanka magaalada ah, waana in iskuuladaasi laga ilaaliyo in dhibaato ay soo gaarto” ayuu sheegay wakiilka UNICEF  ee Soomaaliya.

Colaadda Gaalkacyo ayaa bilaabatay mudo bil ka hor, taasi oo sababtay qasaaro isugu jira dhimasho, Dhaawac, burbur hantiyadeed iyo barakac.

Hay’adda OCHA ayaa horay u sheegtay in dagaaladii ugu dambeeyay ay Ku dhinteen 45, Halka ay Ku dhaawacmeen 167 qof.

Dadaalo lagu doonayo xalinta colaadda Gaalkacyo ayaa soconaysay mudooyinkan, ayadoo lagu guulaystay in heshiis kale ay gaaraan madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug.