UNSOM oo sii balaarinaysa taageerada Puntland

191

Shirkii-Gaas-iyo-UNSOMMadaxweynaha dawlad gobolleedka waqooyi bari Soomaaliya ee Puntland, Prof. Cabdiweli Maxamed Cali ‘Gaas’ ayaa la kulmay wefdi ka socday xafiiska kaalmaynta Qaramadda Midoobay ee Soomaaliya, kaasoo uu hoggaaminayay madaxa mashaariicda Mr. Waldemar Very waxayna ka wada hadleen arrimo ay ka mid ahaayeen sii dardar gelinta hawlaha horumarineed ee UNSOM ugu tala gashay tayaynta iyo tababbarka dhinacyada garsoorka, booliska iyo asluubta si daryeel wanaagsan loogu helo maxaabiista ku xiran xabsiyada maammulkaasi.

Madaxweyne Gaas ayaa u sheegay Mr. Waldemar in mowqifka cad ee maammulkiisu uu yahay wada shaqayn dhow oo ay la yeeshaan hey’addaha Qaramadda Midoobay iyo kuwa kale ee caalamka si buu yiri hagar la’aan loogu adeego shacabka, iyada oo ay wefdigu balanqaadeen sii balaarinta taageeradooda Puntland.

Dhinaca kale, waxaa aas qaran loogu sameeyay Garoowe, Cabdirashiid Bulxan Boqor oo xalay dabley hubeysan ay ku dileen gudaha magaaladaasi marxuumka ayaa ka tirsanaa masuuliyiinta maammulka waddooyinka Puntland ee PHA.