Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay dilka mas’uul sare oo dhanka ammaanka oo lagu dilay magaalada Kismaayo.

205

140110061511_cn_somalia_al_shabab_624x351_apUrurka Al-Shabaab ayaa sheegtay dilka mas’uul sare oo dhanka ammaanka oo lagu dilay magaalada Kismaayo.

Ciise Raas Kambooni ayaa habeenkii xalay lagu dilay magaalada.
Wararka kale ee la xiriira

Sarkaal Al-Shabaab oo “la dilay”
Ciidanka Al-Shabaab militeri ma lagu tilmaami karaa?
Hay’adaha “Shabaab ayay lacag siiyaan”

Waxaa uu ahaa sarkaalka ugu sarreeya dhanka nabadsugidda ee maammulka KMG ee Jubbooyinka.

Waxaa kale oo weerarkaas lagu dilay saddex askari oo ka tirsanayd ilaalada Ciise Raas Kambooni.
Maammul KMG ah

Ciidammada Kenya iyo kuwa Raas Kambooni ayaa Al-Shabaab magaalada ka qabsaday dabayaaqadii 2012-ka.

Haatan waxa magaalada ka jiro maammul KMG oo uu hoggaamiyo Axmed Sheekh Maxamad Islan oo loo yeqaanno Axmed Madoobe.

Ururka Al-Shabaab ayaa weli ka taliyo tuulooyin ku dhaw Kismaayo, waxayna mararka qaar weerar ku soo qaadaan ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan magaalada.
Xiriirrada macnaha ka dhexeeya
Wararka kale ee la xiriira

Sarkaal Al-Shabaab oo “la dilay”