
Dowladda Federal ka ah ee Soomaaliya ayaa goor dhow maanta oo Tallaado ah Waxaa ay heshiis malaayiin dollar Ku kacaya la saxiixatay Hay’adda dhinaca hormarinta u qaabilsan dowladda Maraykanka ee la yirahdo USAID.
Wasiirka wasaaradda Qorshaynta ee xukuumadda federal ka ah ee Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa dhanka Soomaaliya u saxiiay heshiiska.
Heshiiska ayaa waxaa uu Ku kacayaa $300 (Saddex boqol oo Milyan oo dollar) waxaana loogu talo galay dhinaca mashaariicda hormarinta ah ee dowladda Maraykanka ay ka wado Soomaaliya.
Today I had the honor of co-signing a landmark development agreement (DOAG) with the US Gov’t (USAID). First in over 30 years and worth over $300mln. From now on, @MoPIED_Somalia will co-authorize all US dev’t assistance to Somalia. Another milestone in the Somali-US relations. pic.twitter.com/yiQMFHuxmB
— Gamal M Hassan (@AmbGamal) December 5, 2017
Heshiiskan ayaa ah kii ugu horeeyay oo oo noociisa ah oo muddo 30 sano ka badan ka dib dhexmara Soomaaliya iyo Maraykanka ama USAID.