Waa Kuma Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Koonfurta Suudaan?

1134

Danjire Xuseen Xaaji Axmed waxuu ahaa diblomaasi ruug caddaa ah oo mudo dheer kasoo shaqeeyay Wasaaradda Arrimada Dibadda ee Soomaaliya. Waxaa uu waxbarashadiisa diiniga ah iyo tan Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sareba uu ku qaatay magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan.

1982 kii Waxuu ka qalin jabiyay Kulliyaddii Lafoole, gaar ahaan Qeybta Saxaafadda, waxa uuna isla sanadkaas ka hawl galay Wakaaladdii Wararka Soomaaliyeed ee SONNA. Balse 1986dii ayuu Danjire Xuseen Xaaji ku wareegay Wasaaradda Arrimaha Dibadda isaga oo ka hawl galay Waaxda Arrimaha Carabta.

1987dii biloowgeedii waxaa loo wareejiyay Safaaradda Soomaaliya ee Qaahira oo uu ka noqday Lataliya Koowaad ee Safaaradda. 1989kii waxaa loo wareejiyay Safaaraddii Yamanta Koofureed ee ku taallay magaalada Cadan isagoo ka noqday Lataliya Koowaad ee Safaaradda.

26 kii Sanno ee burburka jiray Dajire Xuseen Xaaji waxa uu ahaa nin dhex joogay qaxootiyaashii Soomaalida ee Yaman oo aan marnaba meel u dhaafin, isaga oo aan Baasaboor iyo Dal Ajnabi midna iska dhiibin.

Danjire Xuseen waxaa lagu xasuustaa dowrkii uu kulahaa qeylo dhaantii iyo samatabixintii dadkii Soomaalida ahaa ee xeebaha Yaman tahriibka ku mari jiray isaga oo mar walba ka hadli jiray hay’adaha iyo dowladda Yamanba sidii loo badbaadin lahaa tahriibayaasha Soomaaliyeed ee badaha ku daadanaya iyo qaabkii looga hortagi lahaa khataraha tahriibka.

Dajiraha oo khibrad 30 ah oo dhanka diblomaasiyadda ah leh ayaa waxaa dabayaaqadii bishii tagtay warqadaha aqoosiga ka guddoomay Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Mudane Salva Kiir Mayardit, wuxuuna badalayaa Danjire Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Diinaari oo shaqadan ka tagay bartamihii sanadkii 2015 keddib markii uu ku biiray musharrixiinta u tartameysay dowlad Goboleedka Galmudug.

Danjire Xuseen Xaaji waxaa sugaya shaqooyin culus oo ay ugu horreyso sidii loo abuuri lahaa xiriir qoto dheer oo labada dal dhex mara iyo sidii ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaasi loogu badbadain lahaa hantida faraha badan ee ay dalkaasi ku maalgashadeen maadaama ay ka socdaan dalkaasi dagaallo sokeeye iyo amni xumo baahsan.

Waxaa intaas dheer Koonfurta Suudaan waa dal marin u ah tahriibayaal Soomaaliyeed oo doonaya in ay gaaraan Suudaan, keddibna uga gudbaan dalka Liibiya. Wax ka qabashada arrintan ayaa looga fadhiyaa Danjire Xuseen Xaaji Axmed.

 

hussein2 hussein-haji hussein