Waa kuma dhaxal sugaha cusub ee Sacuudiga

1668

al-arabiaya-MBS-suit

Maxamed bin Salmaan, waa wasiirka Gaashaandhiga ugu da’da yar Caalamka, waa 32 sank jir uu dhalay boqorka dalka Sacuudi Carabiya Salmaan bin Cabdul Asiis Al Sacuud.

Maxamed ayaa ah dhaxal sugaha dalka Sacuudi Carabiya waana Ra’iisul wasaare Ku xigeenka Sacuudi Carabiya.

Aabihiis Salmaan ayaa ugu magacaabay xilka dhaxal sugaha xilkaas oo laga qaaday Maxamed bin Nayef oo ahaa wasiirka Arrimaha gudaha.

Maxamed bin Salmaan, ayaa dhashay 31 kii bishii August sanadka markuu ahaa 1985 tii.

Hooyadiis waxaa lagu magacaabaa Princess Fahda bint Falax bin Sultan bin Xathliin, taasi oo ka soo jeeda qabiilka Ajman, oo aabaheed uu madax u yahay.

2008 dii Maxamed bin Salmaan ayaa loo guuriyay gabar uu dhalay adeerkiis oo lagu magacaabo Sarah bint Mashhoor bin Cabdulaziz Al Sacud, waxayna haystaan 3 carruur ah.

Dugsiga Hoose ayaa waxaa uu kaga baxay magaalada caasimadda ah ee Riyadh, isagoo ka mid noqday 10 ka arday ee iskuulka ugu fiicnayd.

Waxaa uu shahaada Sharciga uu ka qaatay jaamacadda king Saud university.

2013 kii majaladda Maraykanka ah ee Forbes ayaa Maxamed bin Salmaan gudoonsiisay abaal marinta Shaqsiga Sanadka.

Siyaasadda waxaa uu ka bilaabay xilka la taliyaha golaha wasiirada muddo 2 sano ah, isagoo 2009 kii noqday la taliye u noqday aabihiis oo ahaa gudoomiyaha gobalka Riyadh.

January 23, 2015, Maxamed bin Salmaan, waxaa loo magacabay wasiirka Gaashaandhiga iyo Ku xigeenka dhaxal sugaha  boqortooyada dalka Sacuudi Carabiya.

Waxaa uu door wayn Ku lahaa abuurista isbahaysiga Sacuudi Carabiya uu hogaamiyo ee dagaalka kula jira kooxda Xuuthiyiinta dalka Yemen.

April 2016 kii waxaa uu soo saaray qorshaha 2030 ka ee dalkiisa Ku soo bandhigay hormarinta caalamka Islaamka, oo qorshaha lagu qeexay inuu hogaanka u qabanayo boqortooyada Sacuudi Carabiya.