Waa kuma gudoomiyaha cusub ee ururka Midowga Afrika.
Moussa Faki Mahamat
Waxaa loo doortay inuu noqdo gudoomiyaha midowga Afrika Afarta sano ee soo aadan, ka dib markii uu ka guulaystay Afar musharax ee kasoo kala jeeda wadamada Kenya, Bososwana Senegal iyo kuwo kale.
Moussa Faki Mahamat, waxaa uu badalay haweenyda la yirahdo Nkosazana Dlamini Zuma oo ka soo jeeda dalka Koonfur Africa.
Moussa Faki Mahamat
Waa siyaasi u dhashay wadanka Chad, kaasi oo dhashay sanadka markii ahaa 21 Jun, 1960 kii.
Jun. 4 2003 dii ilaa iyo 4tii February 2005 tii waxaa uu ahaa Ra’iisul wasaaraha dalka Chad.
Waxaa uu ka soo jeedaa Qowmiyadda Zaghawa ee dalka Chad taasi uu kasoo needo hogaamiyaha Chad Idriss Déby.
Tan iyo April 2008 ilaa iyo hadda waxaa uu ahaa wasiirka arimaha dibadda Chad.
Mr Faki, waxaa uu Ku dhashay magaalada Biltine, oo ku taala barriga dalka Chad, waxaa uu ka qalin-jabiyay kuliyadda Sharciga Jaamacadda Brazzaville ee Jamhuuriyadda Congo.
Waxaa uu siyaasadda soo galay sanadihii 8 tamaadkii hase ahaatee waxaa uu si rasmi ah u soo shaac baxay markii wadanka uu la wareegay ninka ay isku reerka yihiin ee Idriss Déby.