Waa kuma Hanti dhowrka guud ee qaranka maanta la magacaabay

513

Afgooye-

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta magacaabay Hanti Dhowraha  Guud ee cusub ee Qaranka.

Golaha wasiirada ansaxiyay hanti dhorahan ka dib markii wasiirka maaliyadda uu soo hordhigay golaha.

Hanti dhowrka cusub ayaa lagu magacaabaa Maxamed Cali Afgooye, waxaana uu  bedelaya Hanti dhowrkii hore Nuur Faarax kaasi oo xilka looga qaaday shilkii uu ku dhintay Wasiirkii hore ee Howlaha Guud  Cabaas Siraaji.

Haddaba waa kuma hanti dhowrka cusub?

Mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa loo magacaabey Hanti Dhowraha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya 3di Agoosto, 2017.

Wuxuu ku dhashay magaalada Istaraatiijiga ah ee  Afgoye, oo ka tirsan gobalka Shabeellaha Hoose.

Sanadka markii ahaa  1974-tii, wuxuu ka baxay dugsiga hoose ee Xaawa Taako ee Muqdusho iyo Dugsiga sare ee Sheekh Xasan Barsane.

Maxamed ayaa ah aqoonyahan  leh  khibrad dhanka maamul dowladeed iyo ganacsiba, isagoo dhankaas ka haysta khibrad ka badan 15  kana soo shaqeeyey maamulka dhanka xisaabaadka, hantidhowrka, qorsheynta qaranka iyo maamulidda qandaraasyada.

Wuxuu  xilal sare ka soo qabtay dowladda hoose ee magaalada Washington, D.C. ee dalka Mareykanka.

Wuxuu kaloo ka soo shaqeeyey shirkadaha ganacsiga, gaar ahaan isgaarsiinta isagoo door ka ciyaarey isku biiridda labo shirkadood oo waaweyn oo lahaa hanti lagu qiimeeyey $70 Billion.

Sidoo kale wuxuu kaloo aasaase iyo madax ka ahaa hay’adda lagu magacaabo Somalia Forward Foundation (SFF) oo ah hay’ad ka shaqeysa la talinta dowladaha, shirkadaha iyo hay’adaha daneeya horumarka iyo dib u dhiska Soomaliya.

wuxuu uu shahaadada Master-ka ama Darjada labaad ee Jaamacadda Business Administration wuxuu na kaga baxay jaamacadda lagu magacaabo Maryland University College, Graduate School of Management and Technology.

Wuxuu kaloo ka heystaa shahaadada  Bachelor-ka waxaana uu bartay Science Accounting iyo Management Information Systems shahaadadaasi ka qaatay jaamacadda caanka ah ee George Mason University ee dalka Mareykanka.