Waa side xiriirka dowladda cusub ee Madaxwayne Farmaajo iyo dowladaha Yugaandha iyo Itoobiya?

1300

FB_IMG_1488491265311

Kulan  ayaa dhexmaray Madaxda Dawladaha itoobiya iyo ugaandha  kulankaa oo ahaa kacdoon siyaasadeed  oo laga soo  hor jeedo  Madaxweyne  Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.kulankan  ayaa ka dhacay magaalada Kampala ee wadanka ugandha.

 

Sida la wada og yahay  Dawlada Kenya ayaa la  waydiiday inay ka soo qeyb gasho kulankan.

Dad badan mafahansana siyaasadda dawladaha  Geeska Africa qaarkood  danaha ay ka leeyihiin inay tahay in  Soomaaliya dawlad la’aan ahaato waqti dheer.

 

Waxa   jira, tuhun ay dalalka deriska Qaarkood ay ka qabaan nooca uu noqon doono xiriirka cusub ee dowladda Farmaajo kala dhaxeyn doona.

Maxay  tahay danta u qarsoon.

 

Wadama ku bahoobay ciidamada Wata koofiyadda [AMISOM]ayaa waxay  Bulshada caalamka ka soo   uruuriyaan  kharashka ku baxa ciidamada Afrikaan-ka ah  ee  ilaaliya dowladda faderaalka  Soomaaliya iyo amniga guud.

Halkii askari ee AMISOM ah ayaa qaata xaquuq dhan 990 Euros oo u dhiganta 1,028 doolar bishiiba.

Wadammada ciidanka soo diraya ayaa iyagu xaq u leh in ay askartooda u qiimeeyaan mushaharka ama lacagta uu qaadanayo askartooda.

 

Arinkaa ayaa waxaa la sheegay inuu  diidan yahay madaxweyne  Farmaajo oo wuxuu doonayaaa in soomaaliya ciidan xoogan ay yeelato waqtiga dhow.

 

Waxaa si gaar ah  colaad ugu  qaaday wadanka ugaadha Gaar ahaan  Masaxweyne  Musavenioo xukumadiisa  dhaqaalo badan ka soo galo mashruuca ciidamada AMISOM ee soomaaliya.

 

Madoonayaan inaan dhisano ciidankeena xooga dalka,  si aan u siino  xuquuqdooda.  Qodobkan  waa kan ugu wayn ee ay diidan yihiin wadamada itoobiya iyo ugaandha  inaaney soomaaliya yeelato ciidan u gaar ah.

 

Maxaa la gudboon oo Talo wanaagsan u ah Madaxweyne Farmaajo?

Waa dhawr arimood in uu si dhaqso ah u hirgaliyo si uu uga badbaado shir-qoolka dowladdiisa loo maleegayo.

 

1= Marka ugu horaysa  waa inuu Taageero wayn ka helaa Madaxda Maamul Gobaleed-yada oo  kala ah   Maamulka Koonfur Galbeed iyo Maamulka Puntland. labadaan maamul waxaa dhici karta inay Dawladda itoobiya si qaldan wax dhagta ugu sheegto.

 

2= Arinka kale waa in   Madaxweyne Farmaajo uu si dhaqsa ah uu  itoobiya uu ugu sharaxo xiriirka iyo wada shaqeynta dhex mari karta labada  dal  oo  deris ah,  gaar ahaana kawa Tirsan  urur gobaleedka  IGAD iyo AU Midowga Africa haddana  dhul iyo dadna ka dhexeeyo.

waana inuu ka dhaadhiciyaa in Nabad galyadu cidwalba  inay dani ugu jirto.

 

Waa inuu In uu si dhaqso ah u tagaa wadanka ugaandha.

 

Sidaan wada og nahay wadanka ugaandha waxay  ciidama badan oo wata koofida AMSOM waxay ka joogaan  meela muhiima oo muqdisho ku yaal.

 

Ciidamadaa waxaa loo istic maali karaa inay dhibaateeyaan abniga Madaxweyne Farmaajo

 

waa in uu arinkaa  kala hadlaa madaxweyne  musevani oo ka dhaadhiciyaa in la siiwado habkii hore ee labada wadan u wadan shaqyn jireen wixii khilaafna meesha laga saara.

 

sida aan  wada og nahay maalintii  caleemasaarka madaxweyne Farmaajo

Madaxweyne musaveni kamuu soo qeyb galin arinkaa wuxuu abuuray shaki baden. way iska cadahay in  siyaasada  Madaxweyne musaveni aanu ku qanac saneny Guusha uu gaaray Madaxweyne Farmaajo.

 

Falanqey taydu waxay Tilmaamaysaa maxaa keenay inay madaxda itoobiya iyo ugaandho sameystaan  dhaq dhaqaaq siyaasadeed oo looga hor imanayo hogaanka madaxweyne Farmaajo. Arinkaa wuxuu u yaal inay wax ka qabtaan Madaxda soomaaliyeed Gaar ahaan madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

 

Waqtiga la joogo waxaan ka  sugaynaa madaxda soomaaliyeed inay la yimaadaan siyaasad   Fur fur   oo  keeni karta  in cadaw geenu iyareeyo colaad deg deg ah oo keeni karta in Dawladeeno la fashiliyo iyadoo la iska horkeenayo shacabka soomaaliyeed dhexdooda. Sidii hore u dhici jirtay.

 

Waqtigan  hada la joogo   shacabka soomaaliyeed  waxay  u baahan yihiin   inay marka hore dhistaan . Qadiyad soomaalinimo ku dhisan   Marka arinkaa lagaaro in ay  jirto Qadiyad somalinimo ku dhisan cidkasta waan iska celin karnaa.

Falanqayntan waa fikirka qoraaga. kama turjumayso siyaasadda Xaqiiqa Times

Falanqeyntan waxaa Qoray Maxamed Caalim oo ah   Aqoonyahayan wax   ka Falanqeeya xaaladda siyaasadeed ee soomaaliya  Degan wadanka Finland.

  caalim68@hotmail.com