Degmada Waajid oo Laga Soo Sheegayo Xaalad Nololeed oo Qalafsan

263

Waajid, Bakool (XT): Wararka laga helayo degmada Waajid, ee Gobolka Bakool ayaa sheegay in ay ka jirto xaalada adag oo dhanka nolosha ah kadib markii ay magaaladaasi go’doon noqotay muddo sanad ah oo aan gaadiidka dadweyanaha asyan gaarin, dadkuna ay ku taarsanyihiin raashin loogu keeno diyaarado .

Gudoomiyaha Degmada Waajid Xasan Gardhuub ayaa sheegay in muddo sanad ah la go’doomiyay Waajid. Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayaa bishii Maarso ee sanadkii 2014 gudaha u galay Waajid iyaga oo kala wareegay ciidamada Al shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ay magaalada si dhuumaalaysi ah raashinka ku keenaan Gaari Dameero oo mararka qaarna ay iyaduba adkaato.

Halkii Kiilo oo Sonkor ah ayaa la iibiyaa lacag dhan 30 Kun Shiling taasi oo dadka reer miyiga ah aysan awoodin in ay iibsadaan.

Waajid waxa ay 90 KM u jirtaa Xudur oo ah xarunta  Gobolka Bakool waana magaala istaraatiiji ah.  Waxa ay fariisan u ahayd Hay’adaha Qaramada Midoobay ka hor inta aysan Al shabaab qabsan .