Waajid oo uu ka dhacay dagaal khasaare geystay

199

Ciidan-dawladdeedWararka laga helayo gobolkaasi Bakool ee koofur galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamadda dawladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ay weerareen xarun ciidan oo ay duleedka degmada Waajid ku la haayeen dagaalyahanka xarakada Shabaab ee Soomaaliya, halkaasoo markii danbe uu ka dhacay dagaal xooggan oo dhexmay labada dhinac.

Guddoomiyaha Waajid, Cabdullaahi Aadan Yariisow ayaa warbaahinta u sheegay in maammulkiisa iyo ciidamadda isbaheysigu ay dib ula wareegeen goobtii lagu dagaallamay oo saldhig muhim ah u ahayd xarakada sidoo kalena ay dagaalka uga dileen Shabaab ugu yaraan labo nin oo ka mid ahaa dagaalyahanka ururkaasi.

Ilaa iyo imminka ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Al-shabaab inkastoo ay wejihayaan duullaankii ugu weynaa abad ma ahan oo keliya duqeymaha cirka ee diyaaraddaha shisheeye, balse AMISOM oo kaabaysa ciidamadda dawladda ayaa dagaal dhinaca dhulka ah ku qaaday magaalooyinka ay maammulaan ururkaasi.