Wadahadaladii Puntland iyo Galmudug oo furmay iyo Keating iyo Cumur C/rashiid oo gaaray Gaalkacyo

320

Wakiilka gaar ka ah ee QM  u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Michael Keating ayaa gaaray Magaalada Gaalkayo ee xarunta  gobalka Mudug, halkaasi oo ay ka soconayaan dadaalo lagu doonayo in lagu dhameeyo colaadda ka jirta magaaladaasi.

Danjire Michael Keating ayaa halkaasi kulamo kula yeeshay Madaxwaynayaasha maamul-gobaleedyada Galmudug iyo Punt-land, kaasi oo looga hadlayay sidii xal waara loogu heli lahaa dagaallada soo noq-noqday ee ka jira Gaalkacyo.

Dagaalladii ugu dambeeyay ee Gaalkacyo ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan 45 ruux oo dad rayid ah ay ku jiraan, ayadoo sidoo kale ay dhaawacyo soo gaareen dad ka badan 162 ruux.

Maamulada Punt-land iyo Galmudug ayaa dhowr jeer oo hore u saxiixay heshiis nabadeed kuwaasi oo dhammaantood noqday kuwo fashilmay.

Shir looga hadlaayo colaadda Magaalada Gaalkacyo ayaa  dhanka kale goordhow ka furmay Garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug , waxaana ka qeyb galaya shirka Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Galmudug.

Labada Madaxweyne ayaa shalay Gaaray magaalada Gaalkacyo , waxaana lagu wadaa kulanka ka dib in ay soo saaraan qodobada ay ku heshiiyeen oo ku saabsan Colaada Magaalada Gaalkacyo.

Shirka Waxaa ka qeyb galaya Waxgaradka gobolka Mudug, xubno ka socda dowladda Soomaaliya, wakiilka Qaramada Midoobey ee arimaha Soomaaliya Micheal Keating iyo sidoo kale xubno ka socda Golaha abwaanada Soomaaliyeed oo Gaalkacyo u tagay Hakinta dagaalka.

Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa dhowr jeer waxa ay gaareen heshiisyo kala duwan oo ku aadan joojinta colaada Magaalada Gaalkacyo.

Dhanka kale

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay  Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ujeedada ay u tageen  Magaalada Gaalkacyo  ayaa lagu sheegay in ay tahay in uu qeyb galo wadahalada nabada ee Maanta lagu wado in ay ka furmaan Magaalada Gaalkacyo.