Wadahadalladii Istanbuul oo aan Wali Furmin

Shirka ayaan ilaa hadda furmin waxaana jira isfahamdaro soo kala dhaxgeshay labada dhinac oo salka ku hayso xubnaha shirka ka qaybgalaya, gaar ahaan wafdiga Dowladda Soomaaliya ay u dirtay shirka .

Wafdiga Soomaaliland ayaa sheegay in aysan aqbali doonin ka qaybgalka qaar kamid ah siyaasiin ka soo jeeda deegaannada Soomaaliland ee ka socda Dowladda Soomaaliya.

Shirkan ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ah Hogaannada Waaxyaha saadaashada Soomaaliya iyada oo ajandaha shirkana ay ku jirto arrimaha saadaashada Soomaaliya.

Siyaasiinta dhanka Dowladda Soomaaliya oo ay diidanyihiin wafdiga Soomaaliland ayaa waxaa ka mida Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye,Wasiir Cali Jaamac Jangali iyo laba xubnood oo kale oo sheegayaan in ay yihiin siyaasiin ka soojeeda Soomaaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in ay wafdiga ka hor inta aysan imaan Istanbul ay u sheegeen Soomaaliland, ayna ahayd in markaasi ay ka doodaan haddii asyan ku qanacsanayn.