Wadahadalladii Maraykanka iyo Dhaalibaan oo la joojiyay

99

Madaxweynaha waddanka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu joojiyay heshiis nabadeed oo uu dalkaasi la galay ururka Taalibaan.

Mr Trump ayaa waxa uu bartiisa Twitterka soo dhigay farriin uu ku sheegayo inay aheyd inuu Axadda kula kulmo Madaxweynaha Afgaanistaan, Ashraf Ghani, iyo hogaamiyayaal sarsare oo Taalibaan ka tirsan.

Hasayeeshee waxa uu baajiyay shirkaasi ka dhici lahaa Camp David kaddib markii Taalibaan ay sheegatay inay ka dambaysay weerrar dhawaan ka dhacay magaalada Kaabul kaas oo uu ku dhintay askari Ameerikaan ah.

Ninka Mareykanka u qaabilsan wadaxaajoodka Zalmay Khalilzad ayaa waxa uu Isniintii ku dhawaaqay in ‘mabda’ ahaan’ heshiis nabadeed lala gaaray Taalibaan.

Waxa ayna middaasi timid kaddib wadahadallo sagaal wareeg galay oo u dhaxeeyay Mareykanka iyo xubno matalayay Taalibaan, kulamadaas oo ka dhacay magaalada Dooxa, ee caasimadda dalka Qatar.

Heshiiska qabyada ah ayaa waxaa ka mid ah, in Mareykanka uu muddo 20 todobaad gudahii ah uu dalka Afghanistaan kala baxo 5,400 oo askari.

Sikastaba xaalku ha ahaadee, Mr Khalilzad ayaa sheegay in meelmarinta ugu dambaysa ee heshiiskaasi uu go’aankeeda leeyahay Mr Trump.
Mareykanka ayaa haatan waxaa dalkaasi ka joogta ku dhawaad 14,000 oo askari.

Khamiistii ayey aheyd markii gaari ay Taalibaan ka soo buuxiyeen walxaha qarxa ay ku qarxiyeen magaalada Kaabul halkaas oo ay ku dhinteen 12 qof oo mid uu ahaa askari Ameerikaan ah.

Sidoo kale waxaa halkaasi lagu dilay askari u dhashay dalka Romania oo la shaqeynayay howlgalka Nato ay horkacayso ee dalkaasi ka shaqeeya.

Weerrarka ayaa waxa uu bannaanka soo dhigay cabsida ah in wadaxaajoodka u socda Mareykanka iyo Taalibaan uusan soo afjari karin qulqulatooyinka maalinlaha ah ee dalkaasi Afgaanistaan iyo dhibka soo gaaraya dadka rayidka ahba.