Wadooyinka xiran ee Muqdisho oo la furayo

326

Maamulka gobolka Banaadir ayaa bilaabay howlgal lagu qaadayo dhagxaanta lagu gooyay qaar ka mid ah jidadka magaalada Muqdisho, taasoo dhibaato ku ah isku socodka dadka iyo gadiidka caasimada.

C/fitaax Cumar Xalane oo ah afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in guddoomiyaha gobolka amar ku bixiyay in la qaado dhamaanba dhagaxyada sharci darada ah ee sida uu hadalka u dhigay ku go’an jidadka muhiim ah ee caasimada.

Jidadka lagu guuleystay in laga qaado dhagaxyada ayaa ilaa iyo hadda ah kuwo kooban, balse waxaa wali xiran jidad muhiim ah.

Wadooyinka  wali xiran waxaa ka mid ah wadada hor-marta xarunta UNDP, wadada hor marta Madaxtooyadii hore ee C/qaasim Salaad Xasan ee ka baxda Isgoyska KM4 iyo qaar kaloo badan.

Xirnaashaha jidadka ayaa inta badan sababa shilalka gadiid iyo dadweynaha.

Waxaa xusid mudan in dhawaan mid ka mid ah gadiidka ciidamada AMISOM qof waayeel ah ku dilay wadada isgoyska KM4, madaama dadka iyo gadiidka ka isticmaalaan jidadka hal dhinac oo kaliya.