Wafdi ka socda Burundi oo soo gaaray Moqdisho

300

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Burundi
Ambassador Alain Aimé Nyamitwe, ayaa maanta soo gaaray Magaalada Moqdisho.

Wafdiga wasiirka ayaa waxaa garoonka Aadan Cade Ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya oo uu ka mid yahay wasiir Ku xigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Cali Kadiye.
Ambassador Alain Aimé Nyamitwe iyo wafdigiisa ayaa la dajiyay Hotelka Jaziira ee Magaalada Moqdisho.

Wasiir Ku xigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Cali Kadiye oo shir jaraa’iid Ku qabtay Moqdisho ayaa sheegay in wafdiga Burundi ka socday ay la kulmeen Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud.

Wasiir Ku xigeenka ayaa sheegay in ay ka wada hadleen xiriirka labada dal.

Booqoshada wafdiga ayaa la sheegay inay salka Ku hayso mushaar la,aan haysata ciidanka dowladda Burundi ee Ku sugan Soomaaliya, kuwaasi oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Ciidanka Burundi ayaan wax mushaar ah aan qaadan 9 kii bilood ee aynu soo dhaafnay.

Baarlamaanka dalka Burundi ayaa dhowaan ka dooday suurta galnimada in ciidanka Burundi ee Soomaaliya Ku sugan laga saaro.

Wasiirka arrimaha Dibadda Burundi
Ambassador Alain Aimé Nyamitwe ayaa la sheegay inuu balan qaaday in ciidankiisu aan laga saari doonin dalka Soomaaliya.