Wafdi ka socda Dowladda oo gaaray Kismaayo

233

Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Wafdigan ayaa waxaa hogaaminayay Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Sheekh Cali Diini.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo Ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan maamulka Jubaland.

Ujeedada wafdigan ayaa lagu sheegay inay la xiriirto sidii loo sii wadi lahaa howl-laha isku dhafka ciidamada dowladda iyo kuwa maamul gobaleedyada.

Wasiir Diini, ayaa lagu wadaa inuu kismaayo kula kulmo madaxda maamulka Jubaland.