R/wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa qaabilay wafdi uu hoggaaminayo madaxa ammaanka Midowga Afrika Danjire Ndumiso Ntshinga oo booqasho ku yimid Magaaladqa Muqdisho.
Danjire Ndumiso Ntshinga oo muddo Saddex Cisho ah ku sugnaan doona Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan.
Wafdigan ka socda Midowga Afrika iyo masuuliyiinta ugu sarreeysa Dalka Soomaaliya ayaa ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa howlaha ay Ciidamada Amisom ay ka hayaan Soomaaliya.
Danjire Ndumiso, iyo wafdigiisa ayaa waxay kormeer ku tageen xeryaha Ciidanka midowga Afrika, iyagoo aad ugu kuur galay heerka uu gaarsiisan yahay wada shaqaynta ka dhaxaysa iyaga iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo dagaal wada jira kula kira Ururka Al-Shabaab.