Wafdi ka socda Turkiga oo Muqdisho soo gaaray

227

Wafdigaan uu hoggaaminyay  xoghayaha guud ee Midowga Dowladaha Hoose ee Dalka Turiga waxaa Garoonka diyaradaha magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay wasiirka wasaradda howlaha guud iyo Dib u Dhiska xukuumadda Soomaaliya iyo wasiir ku xigeenka wasaradda.

Ujeedada socdaalka wafdigan ayaa qeyb ka ah mashaarciida horumariineed ee Dowlada Turkiga ka waddo dalka iyo sidii loo dardargelin lahaa.

Wasiirka howlaha guud iyo Dib uu Dhiska Xukuumadda Soomaaliya Eng Saadiq Abdullaahi Cabdi ayaa  ugu horeyn kahadlaay imaanshiyaha wafdigan wuxuuna sheegay in ay u yimaadeen sidii horumarin looga sameyn lahaa mashaariicda horumarineed ee dalku ay ka wadaan Walaalaha Turkiga.

Xoghayaha Guud ee Midowga Dowladaha Hoose ee Dalka Turkiga ayaa kaga mahad celiyay sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho,isagoona balaan qaday in mar walibo ay noqon doonaan kuwa sii wadda mashaariicda horumarineed ay ka fuliyaan Soomaaliya.

Wafdigan ayaa booqday xarumaha wasaaradda Howlaha Guud iyo sidoo kale Gobolka Banaadir,isagoo la kulmay mas’uuliyiinta maamulka Gobolka iyo kuwa wasaaradda Howlaha Guud,waxaana qeyb ka ahaa Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya.