Wafdi QM ah oo ku wajahan Kismaayo.

239

Wafdi ka socda QM ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay gaaran magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, kaasi oo uu hogaamin doono wakiilka QM u qaabilsan arrimaha qaxootiga Soomaalida ee Maxamed Cabdi Afay.

Xog lagu kal-soon yahay oo Wargayska Xaqiiqatimes uu ka helayo xafiiska hay’adda QM u qaabilsan qaxootiga addunka ee UNHCR ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaysa in wafdiga ay Kismaayo gaari doonaan maalinta Axadda ee soo socta.Wafdiga ayaa waxaa la sheegay inay qayb ka ahaan doonaan saraakiil sar sare oo QM ka tirsan.

Arimaha ay halkaasi u tagi doonaan ayaa la sheegay inay tahay in wada-hadal Kismaayo ay kula yeeshaan Madaxwaynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe.

Mas’uul ka tirsan UNHCR oo la hadlay Xaqiiqatimes ayaa sheegay in wada-hadaladaasi ay ahaan doonaan kuwo ku aadan sidii loo sii cambaqaadi lahaa soo cilinta  qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha gobalka Woqooyi Barri dalka Kenya ku yaala ee Dhadhaab.