Wafdi QM iyo Guddiga Doorashooyinka ka socda oo gaaray Kismaayo iyo Cadaado

207

Wafdi uu hogaaminayo wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Wafdiga ayaa garoonka diyaaradaha Kismaayo waxaa Ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubaland.

Ujeedada Michael Keating iyo wafdigiisa ay u gaareen Kismaayo ayaa waxaa lagu sheegay sidii ay uga qayb gali lahaayeen soo afjaridda doorashada Aqalka Hoose oo maanta lagu soo gebagebaybayo halkaasi.

Jubaland ayaa waxaa ay dooranaysaa Hakka Kursi ee uga harsan Aqalka Hoose.

Dhanka kale Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya Abakaate Cumar Dhegey iyo wafdi uu hor-kacayo ayaa maanta gaaray M Cadaado oo xarun KMG ah u ah maamulka Galmudug.

Gudoomiyaha ayaa lagu wadaa Inuu ka kulmo madaxda Maamulka Galmudug iyo Guddiga doorashooyinka dadban ee Galmudug.