Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Baydhabo iyo banaan bax ka socda

169

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow gaaray magaalada Baydhabo, isagoo aan gudaha u gelin magaalada, iyadoo dhinaca kale magalada Baydhabo ka socda Banaan bax.

Sida ay sheegayaan wararka Madaxweynaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya Wasiiro, Wasiir kuxigeeno, Xildhibaano iyo saraakiil ciidan, waxaana Madaxweynaha uu hada ku sugan yahay Xarunta Taliska Ciidamada Milateriga ee Gobolada Bay iyo Bakool, halkaasoo uu ku qaabilayo dhinacyada iska soo horjeeda oo uu kulamo gaar gaar la qaadan doono.

Wararka aanu ka heleyno magaalada ayaa sheegaya in labo diyaaradood ay kala gaartay magaalada, diyaarada hore ayaa waday Ciidamada gaar ah oo sugaya ammaanka Madaxweynaha oo isugu jira Ilaalada Madaxtooyada iyo Ciidamada Gaashaan loo yaqaano.

Banaan bax ballaaran ayaa ka socda magaalada, kaasoo ay dhigayaan shacabka magaalada, waxaana ay ku dalbanayaan in Madaxweynaha uu la kulmo, kadib markii la sheegay in Madaxweynuhu kulamo gaar la qaadanayo dhinacyada isku haya siyaasada.

Qaar ka mid ah dadweynaha ayaa kala taageeraya Maamulada la doortay, iyagoo codsanaya in Madaxweynaha aqoonsado, waxaana kuwa banaan baxaya ka mid ah taageerayaasha Maamulka lixda Gobol.

Wariye ku sugan magaalada Baydhabo ayaa soo sheegaya in Madaxweynaha ammaankiisa ay aad u adkeeyeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa gaar ah oo ka yimid Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn inuu caawa ku hoyanayo iyo in kale.

Hase ahaatee Madaxweynaha ayaa dadaal u geli doona sidii labada dhinac ee iska soo horjeeda u dhex dhexaadin lahaa, waxaana magaalada wali ka jira xaalado kacsanaan iyo murano xoogan oo u dhaxeeya dhinacyada shirarka ka wada magaalada.
www.xaqiiqa.com