Wajiga koowaad doorashada Aqalka Hoose oo lagu soo gebagebeeyay Baydhabo iyo Kismaayo

233

Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Soomaaliya oo maanta si rasmi ah hal mar uga bilaabatay Magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo ayaa maanta lasoo gebagebeeyay, ayadoo maalinta barri ah la isku soo laaban doono.

Doorashadan oo ahayd mid diyaar gorowgeedu mudo soo qaadatay ayaa ugu dambayn si habsami leh u bilaabatay.

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya ayaa xalay Ku dhawaaqay in maanta doorashadan ay dhacayso.

xarumaha ay ka dhacaysay doorashada ee Magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo ayaa la soo xiray.

Xubnaha Maanta la doortay ayaa waxaa ka mid siyaasiyiin caan ah iyo kuwo Dowladda xil ka haya oo uu ka mid yihiin Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo C/rashiid Maxamed Xidig.

Ergooyinka maamulada Jubland iyo K/Galbeed ayaa doortay min 7 xubnood oo ka mid noqonaya Aqalka Hoose ama Golaha Shacabka.