Wajiga koowaad ee doorashada Aqalka Hoose oo soo dhammaaday

216

Maalintii labaad waxaa Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland ka dhacay Doorashada Xubnaha AqalakaHoose ee baarlamaanka soomaliaya uga mid noqon doona Puntland.

Maanta waxaa  la doortay labo Mudane oo ka mid ahaa 12 Xil dhibaan ee ugu Horeeyay kana haray 10 Mudane oo ay ergooyinku shalay Doorteen.

Siciid Jaamac Qoorsheel oo ka tirsan Guddiga dorashooyinka dadban ee heer federal ayaa ku dhawaaqay natiijada codaynta kadib markii ay soo dhammaadeen codaynta kuraasta 11aad 12aad ee Aqalka Hoose.

Xil dhibaanadaan manta la doortay ayaa kala ahaa C/laahi Bile Nuur iyo Cabdi Casiis Maxamed qanbi oo ay la tar tamayeen musharaciin dhowr ahi.