Wajiga koowaad ee doorashada Aqalka Sare ee Galmudug oo la soo geba-gebeeyay.

364

Doorashada xubnaha u taagan Aqalka Sare ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka bilaabatay magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug, kuwaasi oo ah xubihii matali lahaa maamulka Galmudug.

Xubnahan Aqalka Sare  ayaa waxaa u tartamayay ku dhawaad 19 musharax , waxaana looga baahan yahay oo keliya 8 xubnood.Doorashada oo socon doonta ilaa iyo labo maalmood ayaa maanta waxaa la doortay shan xubnood.

Shan xubnood ee loo doortay Aqalka Sare in ay u matalaan deegaanada maamulka Galmudug ayaa waxaa u codeeynaayay xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug.

Goobta ay doorashada ay ka dhaceysay ayaa waxaa joogay xubno ka socday guddiga doorashooyinka daban ee dalka iyo Madaxda maamulka Galmudug.

Maalinta Berri ah ayaa lagu wadaa in la doorto saddexda xubnood ee haray.

Halkan ka daawo xubnaha maanta la doortay iyo magacyadooda.

1 Yuusuf Geelle Ugaas

geelle

2 Cabdi Xasan Cawaale( Qeybdiid)

qeybdiid-170x114

3 Abshir Axmed Maxamuud ( Bukhaari)

11111

4 Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer)

dhag-dheer

5 Samsam Daahir Maxmuud.

789