Walaac Laga Muujinayo Hannaanka Doorashada 2016 iyo Loollanka Mudanayaasha Labada Aqal oo Socda

1015

Muqdisho (XT): Waxaa taniyo intii lagu dhawaaqay guddiga doorashooyinka oo ay soo xuleen Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa Soomaaliya hareeyay loollanka loogu jiro labada aqal ee Barlamaanka (Aqalka Sare oo matalaya maamul goboleedyada iyo kan hoose oo ah Golaha Shacabka).

Qabaa’ilka oo asal ahaan awood qeybsi afar iyo bar ah ku qeybsaday xildhibaannada ayaa haatan u shiraya jufo jufo iyo jufo hoosaadyo si ay qolo la arko u hesho xubnaha u matalaya labada aqal. Waxaa jira shakhsiyaad ka tirsan beelahaas oo doonaya in ay kamid noqdaan xubnaha uga mid noqonaya. Xildhibaannadii hore ayaa doonaya in ay soo laabtaan, halka kuwa cusub oo aad u fara badan ay iyaguna u doonayaan in ay mudanayaal noqdaan.

Dhanka kale, masuuliyiinta dowladda ugu sarreysa ayaa iyagana dadaal ugu jira sidii dib loogu soo dooran lahaa si ay u dhameystiraan hawlaha qabyada u ah iyaga oo u arka in ay cid kasta kaga habboonyihiin khibradda iyo xog ogaalnimada ay afartii sano ee u dambeysay ka dhaxleen.

Waxaa hubaal ah in sanadkan ay doorashadu ka kulushahay intii horey loo soo maray, ayna aad uga kharash badantahay maadaama doorashooyinka heer Barlamaan loo dhaadhiciyay gobollada, isla markaasna la go’aamiyay in xildhibaan walba ay u codeeyaan 51 qof oo qabiilkiisa ah.

Dadka u kuurgala siyaasadda ayaa saadaal aan fiicnayn ka bixinaya cidda mudan in ay kamid noqoto ergooyinka codbixiyeyaalka ah iyo qaabka lagu soo xulayo iyo shuruudaha laga rabo. Waxaa kale oo jira in beelo badan ay haatan isku haystaan oday dhaqameedkii u saxiixi lahaa ergooyinka wax dooranaya.

Qof ka faallooda arrimaha siyaasadda dalka oo magaciisa aan kusoo gaabinnay Maxamed ayaa waxa uu ku eedeeyay Xukuumadda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada in ay wadaan nidaam ku shubasha ah oo ay fitno ka dhalan karto haddii aan si hufan loo maamulin hannaanka doorashada.

Hase yeeshee, masuul kale oo naga codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa waxa uu sheegay inaan walwalkaas meesha ku jirin oo ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya ay sugayaan amniga doorashooyinka, beesha caalamkuna ay goobjoogeyaal ka noqon doonto, wixii khalad ah ee haatan muuqadana ay guddiga cusub ee doorashooyinka ay sixi doonaan.

Balse qaar kamid ah xisbiyada aan sharciyeysneyn ee mucaaradka ah ayaa waxa ay sheegeen in ay adagtahay, haddii arrintu sida ay haatan tahay ay ku socoto, in doorasha xalaal ah ay dalka ka dhacdo. Waxayna adkeeyeen in ay lagama maarmaan tahay in loo istaago sidii lagu xaqiijin lahaa doorasho xor ah oo xalaal ah.

Si kastaba ha ahaatee, doorashadani ayaa waxa ay tijaabo adag u noqon doontaa sida Soomaaliya 2020ka ay uga dhici karto doorashooyin  qof iyo codkiisa oo shacabku ay si toos ah u doortaan madaxdii matali lahayd. Waxaa masuuliyadda wixii ka yimaada qaadi doona madaxda talada dalka haatan gacanta ku haya,iyaga ayaana taariikhdu xusi doonta sida ay wax u maamulaan.