WAR DEG DEG AH: ITOOBIYA OO MUUJISAY IN AY KA TALISO BAY IYO BAKOOL

211

Qurba joogta kasoo jeedo Dig iyo Mirifle ee ku dhaqan qurbaha ayaa waxa ay ka hadleen booqasho wufuud Qaramada Midoobey ka socdeen ay dhawaan ku tageen magaalada Beydhabo.

Wufuudaas ayaa waxaa ku soo dhaweeyay magaalada Beydhabo warbixina ka siiyay xaalada nololeed ee magaaladaas Jeneral Gebre oo ah madaxa iyo midka hor kacaya ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan qeyba badan oo ka mid dhulka Soomaaliyeed, isaga oo ah isla markaana ah kuna magacaaban wakiilka uru goboleedka IGAD ee Soomaaliya.

Wax garadka kasoo jeedo Bay iyo Bakool ayaa ka dhiidhiyay ficilka uu ku kacay General Gebre oo ah in uu qaabilay wufuuda iyada oo ay jiraan maamula kala duwan oo ka dhawaan magaalada Beydhabo looga dhawaaqay, iyo Gudoomiyaha gobalka Bay oo ay Dowladu usoo magacawday gobalka, iyo waliba odayaasha gobalka oo iyagana kusugan isla magaaladaas.

Wax garadka Bey iyo Bakool ayaa is weydiinaya sababta aysan u qaabilin Odayaasha iyo maamulada iyo Gudoomiyaha gobalka midna wufuuda caalamiga ahayd, iyada oo markii ay wufuudaan booqdeen magaalada Kismaayo ay qaabileen soona dhaweeyen madaxweyne ku xigeenka  maamulka Jubaland iyo iyo qeybaha kale ee maamulka.

Si kastaba ha ahaate, dadka kasoo jeeda gobalada Bay iyo Bakool ee Digil iyo Mirifle ayaa waxa ay ku mashquulsan yihiin go’aanka iyo tilaabada ku haboon ee ay arintaan ka qaadan alhaayeen.

Www.xaqiiqa.com