War-murtiyeed Kasoo Baxay Shirka Ka Socda Dhuusomareeb

222
Madashada shirka u ka socda ee Dhuusamareeb

 

Madashada shirka u ka socda ee Dhuusamareeb
Qeyb ka mid guryaha martida ee Madasha Dhuusamareeb

 

Sida la wada ogsoon yahay waxaa muddo dhawr bilood ah ka socday magaalo madaxda Gobolka Galgaduud ee Dhuusa Mareeb shirkii dib u heshiisiinta ee Gobolada Galgaduud iyo Mudug, kaasoo furmay 25-Jannaayo, 2015.

Shirkaas waxaa ka soo qeyb galay inta badan beelaha dega gobolada Galgaduud iyo Mudug. Shirku wuxuu hadda marayaa heer gabo gabo ah, waxaana la gaaray guulo la taaban karo oo ka tarjumaya ujeedooyinkii shirka loo qabtay, waxaana kamid ah guulaha shirku gaaray:

1. In shirku isu keenay beelo, duubab dhaqan, saaxiibbo, deris iyo ehel ay kala Iumiyeen, kalana qoqobeen dagaaladii sokeeye ee wadanka ragaadiyey.

2. In beelihii shirka iskugu yimid ay dbamaantood is wada cafiyeen, kuna heshiiyeen in wixii colaad iyo khilaaf ka dhex jirey ay ka gudbaan, kana waiaaloobaan isla markaana ku tilaabsadaan in laga hortago, lana joojiyo waxkasta oo colaad keeni kara.

3. In shaqsi kasta oo dhib tirsanaayey Ia xaqsiiyo, lana qanciyo iyadoo loo marayo shareecada islaamka, qawaaniinta dalka iyo xeer- dhaqank islamarkaana Ia isu ceIiyo wixii hanti muuqata ah ee Ia kala hayo si shuruud la’aan

4. In Ia wada dhowro mabaadi’d caddaaladda, nabad kuwada noolanshaha, deris wanaagga, walaaltinimada, Soomaalinimada iyo islaamnimada, wixii khilaaf ahna wada hadal lagu xalliyo.

5. In si buuxda loogu midoobo sidii maamul loo dhanyahay loo sameeysan Iahaa kaas oo ka hanaqaada Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Si aad u akhriso war-murtiyeedka oo faahfaahsan iyo saxiixayaasha Halkan Riix