Warar ku dhaw dhaw madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in qaar ka tirsan Odayaasha beesha Habargidir ay kulan gaar ah la qaateen madaxweynaha Soomaaliya.
Kulanka ayaa ujeedadiisa waxa uu ahaa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka aqbalo Beesha Habargidir codsi ay ku doonayeen in uu ku badalo mudane cusub Jagadii Wasiirki hore ee wasaarada Ammniga Mudane Cabdikariim Guleed oo iscasilay dhawaan.
Iscasilaadii wasiirki hore ayaa waxaa sababay kadib markii rag ka tirsan kooxda Alshabaab ay weerar culus ku qaadeen xarunta golaha Baarlamaanka ee Soomaaliya, halkaas oo qasaare culus oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaartay qaar katirsan ciidamadi ilaalinayay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.
Iyada oo xarunta dagaal culus ku dhex maray ragii aadka u hubeesnaa ee weerarka soo qaaday iyo ciidamada Dowladda ayaa kadib waxaa lagu guuleestay in goobta laga daad gureeyo xildhibaanadi kulanka kulahaa xarunta inkastoo qaar ka mid ah ay dhaawac fudud la kulmeen.
Si kastaba ha ahaate, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku gacan seeray codsiga beesha Habar gidir isaga oo u sheegay in Wasaaradi uu iska casilay Wasiirki hore ee Ammniga aysan banaaneen loona baahnayn cid kale maadaama uu doonayo in uu soo celinayo Wasiir Guuleed, waxaa uuna intaas kudaray in loo magacaabayo Wasaarad kale mudane Guuleed sidaasna ay raali ku ahaadaan Beesha Habargidir.
Ugu danbeyn, waxaa la filayaa in wasiirki hore ee wasaarada Ammniga mudane Guuleed loo magacaabi doono wasaarad cusub maada madaxweynaha uu sidaas u sheegay Beesha uu Guleed kasoo jeedo ee Habargidir.
Www.xaqiiqa.com