War la isla dhexmarayo ayaa sheegay in Gudoomiye jawaari warqad u diray Raysal wasaare khayre uu kaga codsanayo inuu saxo heshiiskii bulsho ee ku dhisnaa 4.5.
Sida aan wada ognahay Ra’iisul wasaare Khayre wuxuu soo dhisay Golle wasiiro oo uu mooday inay umada soomaaliyeed xal siyaasadeed u tahay .
Waan wada ognahay in dalkan Soomaaliyeed waqti ka badan rubuc qarni inuu ku jiro qas iyo qalalaase siyaasadeed.
Waxaa meesha ka baxay in la is aamino, waxaa yimid dad markey hadlaan caqligooda oo dhan ka guuxayo anagoo reer hebel ah wasaaradaa ayaan xaq u leenahay iyo Madax iyo odey dhaqameed fikirkaa ku taageersan. Sida Gudoomiye jawaari oo kale.
Sidaa aan wada ognahay xildhibaaada Qaarkood ayaa saxaafadda la hadlay iyagoo ku doodaya in ay xaq u leeyihiin wasaarada maaliyadda.
Beel ahaan anagaa xaq u leh in la inoo magacaabo.
Yey ahayd?
Markaad maqasho Caqliga sidaa u fikiraya ee xildhibaanada Qaarkood ka soo yeeraya wuxu tusaale u yahay in Dawladnimada Soomaaliya helin xildhibaano xaldoon ah wadankooduna u dhaartey.
Waxaa kaloo jira in Gudoomiye Jawaari qaatay talo soo jeedin ka timid xildhibaano boqol kor u dhaafaya oo sheegay in lagu xad gudbay habka awood-qeybsiga beelaha 4.5 ta loo yaqaano.
waxayna sheegeen in Ra’isul wasaaraha looga baahan yahay inuu dib ugu laabto Golahiisa wasiirada ee uu dhawaan uu magacaabay.
Taas macnaheedu muxuu yahay ?
In qabiilkan la siiyo wasaarada maaliyadda .
Qabiilkan la siiyo waraarada arimaha Gudaha Qabiil kale la siiyo wasaarada arimaha Dibadda.
waa in la iswediiyaa maxaa ku qasbay Gudoomiye jawaari in uu noqdo Qaf xeer ilaaliye Qabiileed.
Arinkan waa xaalad niyad jabku ah Qofkasta oo soomaaliyeed oo aaminsan in xukumadan Raysal wasaare Khayre ay tahay xukumad xaldoon siyaasadeed lagu soo dhisay.
Siyaasad wanaagsan ma aha in Qof ama koox dantooda la fuliyo.
waxaa ay Raysal wasaare Khayre ku tahay culays siyaasadeed
oo keeni karta in kalsoonida shacabku kala noqdaan haduu yeelo arinkan
Waxaa kaloo is waydiin mudan in xildhibaanada warqada Qoray maxay tahay ujeedada ka danbaysa ee ay ka leeyihiin waxaa lagu xad gudbay awoodqeybsiga siyaasadeed ee beelaha Soomaaliyeed.
suurta gal ma tahay In arinkan uu Gudoomiye jawaari uu wali diidan yahay markii magacyada xubno uu watay oo uu ka waayey liiska golaha cusub ee wasiirada?
Markaa Gudoomiye jawaari wuxuu hada ku doodayaa waxaa lagu xadgudbay siyaasadda awood-qaybsiga.
Waxaan falanqeytayda ku soo gaba-gabaynayaa hadii arinkan laga ogolaado Gudoomiye jawaari waxaa iska cad in dib loogu noqon Riwaayadii caan ka hayd ee looyaqaanay
Xildhibaanow mooshinka keen. Gudoomiye jawaariyow heesta mooshinka qaad Waa lugooyo cusub oo u bilaamatey madaxweyne Farmaajo.
Fikirkan waa qoraaga warbixinta ee kama turjumayso siyaasadda Xaqiiqa Times
Aqoonyahan Maxamed Caalim ayaa qoray warbixintan