Warbixin: Doorashada Jarmalka iyo rajada Turkiga ee Midowga Yurub

695

7A85CB43-3123-4CC7-9EA9-FA6709F7FC42_w1023_r1_s

Dooddii ugu horeysay ee dhexmarta musharaxiinta u tartamaya xilka madaxtinimo ee Jarmalka ayaa la qabtay taasi oo durba looga hadlay xiriirka xumaaday ee dalkaasi uu la leeyahay waddanka Turkiga.

Sidoo kale doodda ayaa labada musharax waxaa ay kusoo hadal qaadeen rajada Turkiga ee ku aadan ku biiridda Midowga Yurub.

Hogaamiyaha dalka  Jarmalka gabadha la yiraahdo Angela Merkel, oo ka qaybgashay doodda Telifishinka oo dhex martay iyada iyo ninka loollanka adag uu kala dhexeeyo doorashooyinka soo socda ee xisbiga Hanti-wadaagga, Martin Schulz, ayaa ballan qaaday inay joojin doonto sii socoshada waddahadallada Turkiga iyo Midowga Yurub.

Merkel, waxaa ay sheegtay inay caddahay in Turkiga uusan ku biiri karin Midowga Yurub.

Wadahadalka u dhexeeya Turkiga iyo Midowga Yurub ayay sheegtay inaysan iyadu joojin karin maadaama uu taagan yahay heer gobal ,uuna ka gudbay heer qaran, hase yeeshee doorkeedu uu yahay mid iska cad maadaama bay tiri siyaasadda Turkigu ay ka hor imaanayso shuruucda yurub.

Doodda  oo ahayd mid dadka Jarmalka ay ku tilmaameen mid aan saamayn lahayn maadaama aan lagu soo qaadin arrimaha Caafimaadka, Waxbarashada iyo waliba Dhaqaalaha ayaa hadda waxaa lagu soo qaaday saamaynta xiriirka Turkiga iyo Jarmalka.

Sidoo Kale Merkel, ayaa la waydiiyay arrimaha dhibaatada badan uu kasoo wajahay xisbigeeda ee qulqulka qaxootiga, taasi oo ay sheegtay in go’aankeedii ahaa in lasoo dhoweeyo qaxootiga aanay ka qabin wax shalayti ah.

Waxay sheegtay in talabaadaasi ay u qaaday arrimo bani’aadanimo.

Ninka iyada kasoo horjeeda ee Martin Schulz, oo loo arkayo nin saamayn leh ayaa wayn doono tageerada uu ka heli jiray dadka Turkiga ah kuwaasi oo 9% markii hore u codayn jiray xisbigiisa.

Waxaa taasi sabab u ah dhaleecaynta joogtada ah uu xisbigiisa social Democrat ku hayo dalka Turkiga iyo inuu yiri “waxaan Turkiga ka hor istaagi doonna inuu ku soo biiro Midowga Yurub”.

Doodda oo guryaha, Waddooyinka iyo Telfiishinada ayaa dadka daawaday waxaa ay sheegeen inuu soo jiitay hadalada Merkel, taasi oo ay sheegeen inay ahayd qof dooda usoo diyaar garowday halka Mr.Schulz kasoo qaaday qof aan usoo diyaar goroobin, inkastoo doodan ay ahayd tii ugu horeysay ka hor doorashada dhici doonta 3 isbuuc ka dib.

Madaxwaynaha dalka Turkiga Raccep Tayyip  Erdogan ayaa bishii Agoosto ee aynu soo dhaafnay ku timaamay madaxda Xisbiga xukuma jarmalka ee CDU inay yihiin Cadowga Turkiga, isagoo ugu baaqay codbixiyayaasha Jarmalka ee asalkoodu turkiga yahay in aysan u codayn Xisbiga Angela Merkel.

Waxaa uu sidoo kale ugu baaqay Turkida degan Jarmalka inaysan sidoo kale u codayn xisbiga Kale ee la tartamaya xisbiga hogaamiyaha dalkaasi.

Ku dhowaad 4 milyan oo qof oo kasoo jeeda dalka Turkiga ayaa Ku nool dalka Jarmalka, kuwaasi oo Kala bar ka mid ah xaq u leh inay ka coddeeyaan doorashada guud ee la filayo inay ka dhacdo Jamalka xiliga loo qorsheeyay oo ah 3 Isbuuc ka dib.

Khilaafka Turkiga iyo Jarmalka

Khilaafka u dhaxeeya Turkiga iyo Jarmalka ayaa bilowday ka dib markii wasiirro ka tirsan xisbiga AKP ee xuma Turkiga loo diiday inay la kulmaan dadka Turkiga ah ee Ku nool Jarmalka.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Jarmalka ayaa loo diiday inay ka Turkiga kula kulmaan ciidamadooda qaybta ka ah howlgalka ka dhan ah kooxda Daacish, ee Maraykanka uu hogaamiyo taasi oo ahayd talaabo aargudasho ah.

Tiro dad ah oo u dhashay Jarmalka ayaa sidoo kale Ku xiran dalka Turkiga kuwaasi oo lagu eedeeyay inay wadeen howlo liddi Ku ah ammaanka dalkaasi.

Jarmalka iyo Turkiga ayaa ka wada tirsan dalalka ku bohoobay Gaashaan buurta NATO, inkastoo Turkiga uu yahay dalka ugu ciidanka badan gaashaan buurtaasi marka laga reebo dalka Maraykanka.

Welwelka Midowga Yurub iyo rajada Turkiga.

Turkiga ayaa muddo dheer doonayay inuu ku biiro Midowga Yurub inkastoo haatan rajadiisa ay taagan tahay meeshii ugu hoosaysay.

Arrimaha ugu waa wayn ee markii hore la isku haaystay ayaa waxaa ay ahayd arinta dalka Qubrus/ Cyprus jaziiraddasi oo labo u qaybsan labo oo kala ah qaybta Gariiga iyo qaybta Turkiga. Midowga Yurub ayaa ka dalbatay Turkiga inuu ciidankiisa uu kala baxo Qubrus codsigaasi oo Turkiga uusan fulin.

Waxaa intaa dheer welwelka Yurub ee ku aadan xuquuqda aadanaha iyo tan hadalka ee dalka Turkiga.

Xiriirka Yurub iyo Turkiga oo markii horeba ahaa mid Allow sahal ah ayaa heerkii ugu xumaa waayahan gaaray wixii ka dambeeyay isku daygii af-gambi ee ka dhacay Turkiga, kaasi oo la aaminsan yahay in dalal reer galbeed ah iyo kuwo carab ah oo ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta iyo Masar.

Af-gambigasi ayaa hoos u dhigay xaaladda xoriyadda hadalka  iyo xuquuqda aadanaha ee dalkaasi maadaama kumanan dad ah oo suxufiyiin iyo Ajaaniib ay ku jiraan xabsiyada loo taxaabay.

Hase ahaatee dowladda ingiriiska oo ah mid saamayn wayn ku leh qaaradda Yurub ayaa wasiirkeeda arrimaha dibadda Boris Johnson waxaa uu dhowaan sheegay in dowladdiisa ay Turkiga u aragto dowlad kusoo biiri karta yurub.

Boris Johnson, oo ah siyaasi ku abtirsada asal ahaan dalalka UK, Turkiga iyo Maraykanka maadaama hooyadiis ay tahay Amerikan, aabihiisna uu ahaa nin u dhashay UK Awoowgiisna uu ahaa nin Turkish ah ayaa markii xilka wasaaradda arrimaha dibadda qabtay waxaa uu booqday Turkiga isagoo xiligaasi sheegay in UK ay Turkiga ka taageerayso siduu ugu biiri lahaa Midowga Yurub inkastoo UK qudheeda ay ka bixi rabto EU kadib aftidii sanadkii hore ka dhacday dalka Ingiriiska.