Warbixin:- Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada iyo sababtiisa

248

Shirkii  madaxda maamul Gobaleedyada dalka uga soconayay magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubbada Hoose oo maalin ka hor la soo af-meeray ayaa shalay waxaa laga soo saaray war-murtiyeed lala soo daahay.

Waxaa ay kaga hadleen  arrimaha Siyaasadda, Amniga, Federaalka, Dastuurka, Khilaafka siyaasadeed, xaalada Galmudug iyo Kaalmada Caalamiga, ayagoo talooyin iyo baaq loogu jeediyay dowladda Federaalka.

16 qodob,  waxaa ugu mihiimsan ayadoo lagu dhawaaqay golle ay u dhan yihiin maamuladaasi. Gollahan ayaa la sheegay in uu yahay mid u adeegaya danaha maamul Gobaleedyada.

Guddiga ayaa loo bixiyay golaha Iskaashiga dowlad gobaleedyada, kaasi oo ah golle sanadkiiba labo ka mid ah maamul gobaleedyada loo dooran doono inay hogaaminayaan golaha. Hadda waxaa guddoomiye looga dhigay madaxwaynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas halka ku-xigeenka golaha laga dhigay madaxwaynaha xilka ku cusub ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.

“Gollahan waxaa uu ka shaqayn doonaa danaha maamul gobaleedyada oo ay barbar socoto dib u heshiisiin dhab ah oo ku salaysan heer bulsho taasi oo horseedi doonta deegaan xasalooni waarta” sidaa waxaa ay ku yirahdeen bilowga 16-ka  qodob ee war-murtiyeedka.

Si looga gudbo cabadadaha Dhaqaalle, Bulsho iyo midda siyaasadeed ee dalka, ayay yirahdeen dowladda Dhexe waa inay la timaaddo siyaasad ku salaysan soo dhowayn, Iskaashi iyo wada-shaqayn joogta.

Waxaa marg ma doonto ah in madaxda maamul gobaleedyadu ay dowladda Dhexe ka tabanayaan talo-gali la’aan. Waxaad mooddaa inay u cudud sheeganayaan dowladda bacdamaa ay shegteen “waxaan maamulnaa 90% dadka iyo dalka Soomaaliyeed ” taas oo ka dhigan in go’aamada saameynaya deegaanada ay shegteen inay maamulaan in laga talo galiyo, balse arrintu intaas way ka baaxad weyn tahay, gaar ahaan marka la eego xiisada dhalisay khilaafkan oo salka ku heysa xiriirka arrimaha dibadda iyo cidda iska leh go’aanka kama dambeysta ah ee arrimaha dibbadda.

Shirka Kismaayo ayaa waxaa uu lahaa labo waji, mid waxaa uu yahay in hogaaminayaasha wax xoogaa qadarin ah ay u muujiyeen dowladda federal-ka maadaama sawiradooda ay ka kormariyeen sawirka madaxwayne Farmaajo, waa marka labaade, waxaad mooddaa in ay isku bahaysteen Dowladda Dhexe si ay cadaadis ugu saaran ayna uga helaan dalabaadkooda dhaqaale iyo awoodeed. Shaki kuma jiro in madaxda maamul gobaleedyada ay leeyihiin xag ‘Dastuuri ah’ oo ku suntan shuruucda dalka u yaala waxaana ka mid ah inay tallo ku leeyihiin talada guud ee dalka, hase ahaatee go’aan qaadasha guud ee dalka sida siyaasadda arrimaha dibadda taasi oo ah halbowlaha khilaafka haatan u dhexeeya dowladda iyo hogaamiyaasha maamul gobaleedyada, kuwaasi oo ka hor yimid go’aanka xukuumadda ee ku aadan khilaafka dalalka Khaliijka ayuu dastuurku siinayaa dowladda dhexe inay xaq u leedahay.

Dadka siyaasadda Soomaaliya ka faalooda ayaa sheegaya in inkastoo go’aan qaadashada danaha Qaranka uu gaar u yahay dowladda federal ka ah haddana dowladda ay ahayd inay la tashato madaxda maamulada ka hor go’aan qaadashadii khilaafka Khaliijka.

Dhaliisha

Maamul Gobaleedyada ayaa dowladda dhexe ku eedeeyay in ay faro-galin toos ah ay ku hayso maamul gobaleedyada.

Dowladda ayaa taageertay markii baarlamaanka Galmudug ay sheegeen inay xilka ka qaadeen madaxwaynaha Galmudug. Khilaafka maamulkaasi ayaa waxaa sii kordhay markii madaxwayne Xaaf, xuno taageersan ay sheegeen inay xilka ka qaadeen madaxwayne ku xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug. Waxaa dabka Banziin ku sii shubay warkii ka soo baxay maxkamadda sare ee Galmudug oo sheegtay in ay xilalkooda waayeen madaxda maamulka, inkastoo wali ay shaqaynayaan.

Sida ay Bulshada u arkaan Shirkii Kismaayo

Dadka Soomaaliyeed oo ah dad ku can ah inay dhega-dhegeeyaan arrimaha siyaasadda ayaa qaarkood sheegaya in shirkii Kismaayo uu ahaa mid aanu xal u hayn khilaafka haatan jira. Waxaa wali jira kala shaki iyo wada-shaqayn la’aan ka dhaxaysa dowladda dhexe iyo madaxda maamulada, kala shakiga ayaa dhaboobay markii si gaar ah madaxda maamul Gobaleedyada ay Kismaayo ku shireen.

Qaar ka mid ah Bulshada oo waliba inta badan Bulshada lagu tilmaami Karo ayaa qaba in cabsidii ay ka qabeen fidraalizam-ka haatan uu yahay mid soo ifbaxaya. Waxaa ay sheegayaan in federal-ka uu sii kala fogaynayo Bulshada isku afka, isku diinta iyo isku dhaqanka ah ee Soomaaliyeed.