Muuse Ganjab iyo Qaraabada Madaxweynaha oo boob kawada magaalada Muqdisho

265

Waa Xog sir ah oo website-ka xaqiiqa.com si joogta ah idinkuku soo gudbin doono taa oo ku saabsan masuqmaasuqa hareeyay Dowladda Soomaaliya, iyadoo xaqiiqa.com si joogta ah uga helayo Saraakiil ka howlgasho xaafiisyada Dowladda Soomaaliya.

 Muuse Ganjab, oo Ganacsade dilaaley ah, ahaana ninkii dartiisa ay isku casishay Yusra Abraar oo ahayd Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa warar hoose u sheegeen xaqiiqa.com in uu haatan kawado magaalada Muqadishu howlo dilaalnimo oo musuqmaasuq ku dhisan.

Xarumihii shiidaalka ee Dawladda Soomaaliya lahayd burburka ka hor ayaa lasheegayaa in uu ku qaatay si sharci darro ah isagoo kadibna ganacsato kasii kireynaya.

wuxuuna adeegsanayaa sida lasheegay Muuse Ganjab qaraabanimada ay madaxweynaha yihiin iyo wada shaqeynta ay leeyihiin Gabadha layiraahdo Nuurto Sheekh oo madaxweynaha ladhalatay.

Fadeexada ninkaasi musuq maasuqiisa laxiriirta ayaa laga cabsi qabaa in dhawaan ay Muqdishu ka dhalato. wixii ka soo kordha arinta Ganjabwaanu idiin soo gudbin doonaa inshallahu.

Kala soco Arimaha la xariira Siyaasada Soomaaliya xaqiiqa.com  oo ah run ka sheegaha.

www. xaqiiqa.com