Warbixin: Muxuu ka dhigan yahay go’aanka Maxkamadda ICJ

336

02-03-2015International_Court

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda Adduunka ayaa diiday codsigii dowladda Kenya, ee  ahaa in maxkamadda aysan qaadin dacwadda dhanka badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Maxkamadda ayaa horay u dhagaysatay dacwadda Soomaaliya iyo Kenya hase  ahaatee shalay ayay go’aansatay inay xalin doonto muranka labadan dowladood ee deriska ah.

Markii uu soo  baxay go’aanka maxkamadda waxaa la dhacday Soomaaliya waxaana ka murugootay Kenya.

War ka soo  baxay xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in go’aanka maxkamadda uu yahay guul Soomaaliya u soo  hooyatay.

Inkastoo middan ay  tahay talaabo bilow ah hadda guul u ah Soomaalida meel walba oo ay  joogaan haddana sheekadu waa “Faanoole Fari kama qodna”.

Halkan ka akhriso qayb ka mid ah go’aanka maxkamadda ICJScreenshot_2017-02-02-22-20-19

 

Maxkamaddan Ku taala dalka Holland/ Netherlands gaar ahaan magaalada Hague ayaa ah mid sharci ahaan awood  u leh  inay xaliso khilaafaadka Caalamiga ah ee  dowladaha Adduunka, waana maxkmad hoos  tagta Qaramada Midoobay.

Dadka Soomaaliyeed ayaa u arka midan inay tahay bilowga guusha Soomaaliya.

Halka la  isku haysto waa meel milkiyadeeda ay  si  rasmi ah ay  u leedahay Soomaaliya.

Kenya ayaa hunguri xuma qaaday markii ay  sheegatay dhul Soomaaliyeed.

Dowldda waqtigeedu dhamaaday oo arrimo badan Ku fashilantay inay wax badan ka qabato sida  Ammaanka oo Kale, ayaa waxaa wax xoogaa ah lagu amaanaa mowqifka ay  ka is taagtay dacwaddan. Waxaa ay amar kusoo rogeen shirkadihii sahmin shidaal ka waday biyaha Soomaaliya oo qayb ka mid ah Kenya sheegatay, taasi oo lagu guulaystay in shirkdaha ay ka yaacaan goobta.

Caalamka oo idil  waxaa uu dareensan yahay in ay tahay in hadii biyahan la  isku haysto cid aan Soomaaliya ahayn loo xukumo ay tahay dambi Caalami ah oo laga galay  Soomaaliya.

Kenya oo ah dal baddu ay Ku yertahay ayaa waxaa ay leedahay hal  dikad oo Kali ah taasi oo ah midda magaalada Mombasa.

Hadii Soomaaliya loo xukumo ayna Ku guulaysato dacwadan  islamarkaana Ingiriiska uu aqoonsado guddiga Mambasa waxaa ay noqonaysaa in Kenya ay noqoto wadan aan bad lahayn sida  Uganda iyo kuwa la isku yirahdo dalalka Harooyinka.

Xaqiiqa Times