WAREYSI: Faarax Sheekh C/qaadir “Wax badan oo aanan hore u ogeyn ayaan ogaaday intii aan siyaasadda ku jiray”

1373

Gudaha

Wasiirkii hore ee Cadaaladda & Arrimaha Dastuurka, JFS  Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay Wargeyska Xaqiiqa Times kaga hadlay caqabadaha ka hor yimid intuu uu Wasiirka ahaa ee dhanka dib u habeyta garsoorka, sida uu shakhsi ahaan u arko ka maqnaashaha xukuumadda haatan jirta iyo waxyaabaha uu ka shaqeyn doono xilliyada soo socda.

Wuxuu sidoo kale wareysigan uga hadlay higsiga 2016 iyo eedeymaha loo soo jeediyo ee ah in isaga iyo saaxibadiis ay  ku mashquulsanyihiin sidii mar kale dib loogu dooran lahaa.

Xildhibaan Faarax waxa uu kaloo ka warramay xiriirka kala dhaxeeya Xukuumadda cusub ee Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid  iyo saaxiibadiisa Golaha Barlamaanka.

Wareysigii uu Tifaftiraha Guud ee Wargeyska Xaqiiqa Times Yuusuf  Xasan la yeeshay Wasiirkii Hore ee Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka halkan ayaad isaga oo dhameystiran ka dhageysan kartaa.

F.G: Idaacadaha iyo Wargeysyada way isticmaali karaan wareysigan hadii ay sheegayaan xuquuqda lahaansho ee Wargeyska Xaqiiqa Times, Laba Todobaadle kasoo baxa Magaalada Muqdisho.