WAREYSI: Xasan Sheekh “Dowladda Aan Madaxweynaha Ka Ahay Ajandaheeda Waqti Kororsi Ka mid Ma Aha. Doorasha Ka Duwan Tii 2012 Ayaa Dalka Ka Dhici Doonta”

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Wareysi gaar ah oo uu siiyay Wargeyska Xaqiiqa Times ayaa waxa uu caddeeyay in xukumaddiisu aysan marnaba ku tala jirin in ay sameyso waqti kororsi marka xilligeedu dhamaado. Waxa uu Madaxweynuhu sheegay in isaga iyo saaxiibadiis ay ka shaqeynayaan in 2016 ay dhacdo doorasho ka duwan tii dhacday 2012 oo xildhibaanada isaga doortay ay soo xuleen oday dhaqameedyo. Looma baahna ayuu yiri Madaxweynahu in mar kale odayaashii lasoo dhibo. Sidoo kale waxa uu adkeeyay in 2015 ka aysan jiri doonin gobol aan maamul laheyn. Waxa uu tilmaamay in guulaha ay soo hoyeen intii uu xafiiska joogay ay kamid tahay hirgelinta Federaalka oo meel hoose laga soo bilaabay. Hadaba wareysi faahfaahsan oo arrimahaas iyo kuwa kaleba uu uga warramayo  ayaa waxaa magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga kula yeeshay Tifaftiraha Guud ee Wargeyska Xaqiiqa Yuusuf  Xasan. Wareysiga oo ah kii ugu horeeyay ee uu madaxweynuhu siiyo wargeys dalka gudahiisa kasoo baxa ayaa isaga dhameytiran waxa aad ka dhageysan kartaa mareegta hoose. Warbaahinta Soomaalida waa ay isticmaali kartaa hadii sida uu yahay ay u xiganayaan.