Warfaafin mise Sirfaafin?

Saxaafaddu waa mas’uuliyad culus. Waxayna qeyb ka tahay mukhaabbaraadka qeybtiisa aan qarsooneyn ee loo yaqaan “open source” iyo weliba qeybtiisa falanqeynta.

Weriyaha waa lagu tababbaraa marka uu warku wax u dhimi karo nafta bani’aadamka ama xorriyaddiisa iyo marka uu dhaawici karo amniga Qaranka iyo sida laga yeelo.

Weriyeyaal aan tababbar qumman helin ayaa jira. Waxaa weheliya dad badan oo hadda adeegsada saxaafadda bulshada, hase yeeshee aan wax tababbar ah qaadan, isla markaana aan ogeyn in ay mid u baahan yihiin.

Weerar marka uu dhaco inta badan dhinaca weerarka soo qaaday xaruntiisa howlgalku waxay leedahay qaab ay ula xiriirto shakhsiyaadka faltanka ku jira. Telefoon ama hab kale ayay adeegsadaan si ay u kala warqaataan, talana isugu biiriyaan sida ay wax u dhaceen iyo waxa iyaga kala gudboon marba meesha ay xaaladdu mareyso.

Xaruntu waxay xuuraansataa idaacadaha iyo baraha internetka gaar ahaan baraha bulshada. Waxay ka eegtaa xog hor leh oo talo ku kordhin karta una sahli karta in ay yoolkooda gaaraan.

Marka haddii faahfaahin laga bixiyo tirada ciidanka howgalka ku jira, hubka ay sitaan, tabta ay adeegsanayaan ama jihada ay ka galayaan dagaalka, goorta ay billaabayaan weerarka ama gurmad u yimid waxay keeni kartaa in la is wargeliyo oo laga gaashaanto.

Xataa haddii la sheego ciidanka dagaalka gelaya midka uu yahay, waxaa laga yaabaa in magaciisa keliya laga fahmo hubkiisa, tabtiisa iyo meelaha uu ka nugul yahay.

Weerarkii & Qabsashadii Hotel Maka

Waxaan jecelahay in aan akhristeyaasha la wadaago casharro laga baran karo weerarkii Jimcihii 27-kii Maajo 2015 ee Hotel Maka iyo khaladaadka ay saxaafaddu gashay ee iyada oo aan ugu talagelin laga yaabo in ay khatar gelin kareen amaba ay geliyeen naf bani’aadam.

Haddii la sheego in ay dad ku dhuumanayaan qolalka qaar waxa ay keeni kartaa in lagu baraarugo, lagana warhelo.

Waxaan arkayay qof facebook ku soo qoray codsi ah in loo duceeyo macallinkiisa iyo dhowr arday oo uu sheegay in uu ka war helay iyaga oo ku dhuumanaya qol dabaqa dhexe ee Hoteelka ah.

Bal qiyaas khatarta ay macallinkaas, ardaydiisa iyo kuwa la xaaladda ahi ay geli karaan haddii warkaasi uu gaaro dableyda hoteelka kula jirta.

Waxaan arkay sawirro ciidanka Booliiska oo aagag iyo amarro kala qaadanaya oo gadaashiisa kaamera lala soo istaagay. Sawirradii laga qaaday waxaa la soo daabacay howlgalkii oo weli socda.

Taasi waxay bannaanka soo dhigeysaa cidda ka mas’uulka ah howlgalka socda, goobta uu taliyahaas ku sugan yahay, tilmaanta uu bixinayay markaas waxa ay tahay iyo macluumaad kale.

Waxaan arkay sawir muujinaya saddex nin oo saqafka hoteelka u cararay oo mid afraad ku gacanta haya oo ku saacidaya in uu isaguna fuulo saqafka.

Sawirkaas isla markiiba waxaa la soo dhigay baraha internetka siiba kuwa bulshada. Ma hubo in ay isla afartaas nin yihiin, laakiin waxaa nin Wasiir ah oo maalintii dambe aan is aragnay uu ii sheegay in afartaas nin ay ku hoydeen saqafka ilaa maalintii labaad la soo af-jaro howlgalka.

Bal qiyaas nimanka meeshaas ku dhuumanaya haddii sawirkooda ay internet-ka ku arki lahaayeen qolyaha weerarka soo qaaday.

Ninka sawira qof xabbad ka dhuumanaya iyo meesha uu ku dhuumanayo isla markaasna soo daabaca inta ay xabbaddu socoto, maxay ujeeddadiisu tahay?

Dhanka kale, waxaan arkayay saxaafadda qaar oo isla galabtii uu weerarku billowday saacado yar kaddib soo qoray in weerarkii la soo afjaray. Warkaasi sax ma ahayn. Wuxuu howlgalku socday galabnimadii, habeenkii oo dhan ilaa subixii xigay la soo gabagabeeyay.

Bal qiyaas qofka qolkiisa ama meel kale ku dhuumanayay ee haysta internet ee rumeysta in weerarka la soo afjaray. Ama haddii qof idaacadda dhegeystay ama barta internetka ka akhristay uu telefoon u diro qof qol Hoteelka ka mid ah ku jira ee uu u sheego in howlgalkii uu dhammaaday.

Maxaa qofkaas la gudboon? Dabcan dibadda ayuu uga soo baxayaa qolkii uu ku dhuumanayay. Waxa ku xiga ee ku dhici kara, ilama aha in ay yihiin wax uu ku talagalay weriyihii marin-habaabiyay ee u sheegay in la soo af-jaray howlgalka.

Xabbad in aan shanqarteeda la maqal macnaheedu ma aha in uu howlgalkii dhammaaday.

Saxaafaddu haddii ay goobjoog tahay waxay sheegi kartaa in aan wax rasaas ama qarax ah la maqlin hadda, laakiin in howlgalku dhammaaday iyo in kale waxay u taallaa Booliiska oo ay tahay in laga soo xigto.

Arrinta kale ee loo baahan yahay in il rasmi ah laga soo xigto waa tirada dhimashada. Booliiska ama il caafimaad ayaa laga soo xigan karaa. Qof meel yaalla oo meyd kuula eg ma ahan in aad adigu go’aan ka gaarto in uu dhintay iyo in kale iyo in tirada guud ee dhimashada uu ku jiro iyo in kale.

Bal eeg weerarka Jaamacadda Gaarrisa. Marnaba ma dhicin in Booliiska iyo saxaafaddu ay isku khilaafaan tirada dhimashada.

Waxaan arkay dadka telefoonka u diraya qof kasta oo ay yaqaannaan oo hoteelkaas fariisan jiray ama ay og yihiin in uu deggan yahay.

Dabcan waxay u damqanayaan qofkaa ka maqan. Waxaase iyadana laga yaabaa in war jacayl dartiis ay u wacayaan.

Qiyaas telefoonku marka uu soo dhaco haddii ay maqlaan dableyda hoteelka dhex meereysanaya ayaga oo qoryo garwaaxiidsan, farqaha ku sita banbaanooyin lagana yaabo in ay u dheer tahay jaakad ay walxaha qarxaa ku rakiban yihiin.

Xataa haddii telefoonku aamusan yahay, qofka damca in uu ka jawaabo sow ma dhici karto in codkiisu uu ku soo hago malaggiisa?

Dhanka kale, qofka telefoonka haysta haddii uu booliisku ka soo wici lahaa si uu ugu gurmado, sow ma dhici karto in uu telefoonku mashquul ku yahay wicitaankaaga wardoonka ah?

Haddii aan wicitaankaagu intaas oo dhib ah midna horseedin, ugu yaraan wuxuu soo gaabinayaa cimriga bateriga mobile-ka.

Arrin aan anigu dhibsaday waxay ahayd meydadka la sawiray ee la soo dhigay baraha internetka. Waxba ma dhibayo haddii meyd uu ka muuqdo meel fog. Laakiin in kaamerada lagu soo dhoweeyo ee la muujiyo qofka wejigiisa oo la garanayo iyo sida dhaawucu uu u gaaray, anigu ma ogi waxa laga wado. Waxayna dhaawici kartaa dareenka carruurta, welibana waxay keeni karaan in ay u arkaan wax caadi ah.

Booliisku arrimaha uu ka baran karo weerarka Hoteelka waxaa ka mid ah in aan saxaafadda loo oggolaan in ay soo dhex galaan howlgalka oo socda. Waxay u baahan yihiin in ay go’aan ka gaaraan goobaha loo oggolaan karo isha saxaafadda iyo goobaha aan weli lagu sii deyn Karin.

Waxaa kale oo booliiska ama warfaafintu ay ka baran karaan marka ay howlgallada noocaas ah socdaan, in saxaafadda si isdaba joog ah loo wargeliyo. Warka la siinayo waxaa dabcan diyaarinaya xirfadleyaal saxaafadeed oo ka eegaya saameynta uu warkaas ku yeelan karo howlgalka iyo amniga guud.

Saxaafadda haddii aan loo warramin oo aan macluumaad sax ah la siin, waxay ku khasbanaaneysaa in ay iyadu raadsato war.

Ugu dambeyntii, haddii aad ogaato qof ku dhintay goobta, waxaa habboon in sawirkiisa iyo magaciisa midna aanad markiiba soo gelin warbaahinta. Waxaa ka habboon in horta aad wargeliso ehelkiisa ama aad ka dhowrsato daabacaadda ilaa ay cid kale wargelineyso ehelka marxuumka.

yusuf

Inqaasta Yusuf-Garaad Cumar