Wariyaal ka tirsan Al-jazeera oo Muqdisho ku xiran

185

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa xabsiga dhigtay wariyeyaal ka tirsan Telefinshinka Al-Jazeera qaybtiisa afka Ingiriiska.

Wariyeyaasha  la xiray ayaa waxaa ka mid ah Xamza Maxamed, sawir-qaade u shaqaynayay Aljazeera, daraawalkooda iyo ruux kale oo caawiye ahaa.

Xarigga wariyeyaasha ayaa Wargayska Xaqiiqa Times waxaa u xaqjiiyay xafiiska Aljazeera ee Magaalada Muqdisho oo aan qadka telfoonka kula hadalnay, waxaa ay inoo sheegeen in dhammaan shaqaalaha la xiray ay yihiin 4.

Maxamed Ibraahim Macalimu , oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa dowladda ugu baaqay inay si dhaqsi ah usoo daayaan wariyeyaasha u xiran.

Wariyeyaasha la xiray ayaa la sheegay in ay ka soo ambabaxeen Magaalada Jowhar kuna soo jeedeen magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta loo xiray wariyaashaasi. Hay’adda NISA wali wax war ah kama soo saarin sababaha ay u xirteen shaqaalaha Al-Jazeera.

Dhinaca kale Ciidanka NISA ayaa maanta xurriyadiisa dib u siiyay tafaftirihii Wargayska Xog-Ogaal ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ciidamadu xireen 15 kii bishan, waxaa uu xabsiga ku jiray mudo 3 maalmood ah.