Wariye Jamaal Cabdi Yare oo B/wayne lagu xiray iyo NUSOJ oo cambaaraysay

245

Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee [NUSOJ] ayaa si weyn cambaareeyay Wariye Maanta lagu xiray Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

War Qoraal ah oo uu soo saaray xoghayaha ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Macalimuu, ayaa lagu sheegay in ururku ay si weyn uga xun yihiin xarigga loo geystay Wariye Jamaal Cabdi Yare oo ka mid ah Wariyeyaasha ka howgalayay Magaalada Baledweyne.

Macalimuu, oo qadka taleefoonka kula hadlay taliyaha Ciidanka Booliska degmada Baledweyne Cali Nuur ayaa waxaa uu ka codsatay in la siidaayo Wariye Jamaal oo la sheegay in lagu xiray khilaaf soo gala dhex galay isaga iyo sidoo kale ciidanka Booliska.

” Waxaan weydiisanaynaa maamulka gobolka Hiiraan in ay siidaayaan wariyaha si shuruud la’aan ah , waxaan ka codsanaynaa in ay xushmeeyaan warbaahinta”  ayuu yari Xoghayaha ururka NOSOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Jamaal Cali Yare ayaa la shaqeynaayay idaacadda Radio Hiiraan oo ku taalla Magaalada Baledweyne iyo raadiyaha arimaha bani’aadanimada ee QM ee Ergo.

Warbaahinta Madaxa Banaan ayaa wajahaysa cadaadis xoog badan oo kaga imaanaya dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale maamulada ka jira dalka , waxaana wariye Jamaal Cali Yare oo noqonayaa wariyihii shanaad oo todobaad gudihiis lagu xiro dalka Soomaaliya.