Wariye ka tirsan Goobjoog oo la afduubtay

222

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Wariye Hanad Cali Guuleed oo kooxo hubeysan ayaa maanta ka Afduubteen Magaalada Muqdisho.

Wariyaha ayaa waxaa laga Afduubtey Galbeedka Magaalada Muqdisho waxaana Afduubtay dabley hubeysan.

Idaacadda Goobjoog oo uu ka howlgeliyay Wariye Hanad ayaa xaqiijisay Afduubkiisa.

ilaa iyo Hadda lama ogga waxa ay yihiin Kooxaha Afduubtay.

Ururka Suxufiyihiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NOSOJ ayaa cambaareeyay Falkaasi Naxdinta badan.