Wasaaradda A/Gudaha oo Hir-shabelle baaq u jeedisay Dhagayso

185

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya, mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in madaxda maamulka cusub ee Hir-shabeelle looga fadhiyo sidii ay u soo dadajin lahaayeen Liiska Xubnaha Aqalka Sare u matalaaya maamulkaas.

C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa sidoo kale xusay in qoondada haweenka ee xubaha aqalka sare ay tahay mid lama tab taan ah, waxa uuna madaxda cusub ee maamulka Hirshabeelle ugu baaqay in ay soo gudbiyaan xubno ka soo dhalaali kara waajibaadka aqalka sare ee dowladda Soomaaliya, si dalka looga samata bixiyo xaalada adag ee uu ku jiro.

Halkan ka dhagayso codka wasiirka.