Wasiir Cawad oo Moqdisho kula kulmay wakiilada dalalka IGAD u fadhiya Soomaliya

211

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta oo Jimco ah magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirada dalalka Urur goboleedka IGAD u fadhiya Soomaaliya.

Kulanka ayaa lagu soo waramayaa in looga hadlay go’aankii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku eriday wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa safiirada sidoo kale waxaa uu wakiilada (IGAD) uga waramay xaaladaha arrimaha Bulshada, Dhaqaalaha, Amniga iyo kuwo kale.

Wasiirka waxaa uu sheegay in Xukuumadda Federaalka ay xoojinayso dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo is fahamka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaliya ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay garab istaagga dadaalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ay kaga dhabaynayso rabitaanka shacabka, isagoo ku nuux nuuxsaday in Soomaaliya marnaba aqbali doonin in xadgudub lagula dhaqaaqo madax banaanideeda iyo qarannimadeeda.

Waxa uu tilmaamay in Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey Nicholas Haysom uu yahay “Shakhsi aan waddanka laga rabin, kana shaqayn karin” taasi oo ay ugu wacan tahay hab dhaqankiisa ku xadgudbay madax banaanida dalka iyo sidoo kale qawaaniinta caalamiga iyo xeerarka diblomaasiyadeed, sida ku cad Cahdiga Vienna ee Xiriirrada Diblomaasiyadeed, iyadoo taasi laga ambaqaadayo waxa ay Soomaaliya qaaday dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee xad u yeelaya in lagu xadgudbo madax banaanideeda.