Wasaaradda Gaashaandhigga oo Dayactiri Doonta Xerada 21aad ee G/Galgaduud

275

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Sh Cali Diini oo kulan la qaatay mas’uuliyiinta Dawladda ee Gobolka Galgaduud ayaa kala hadlay sidii loo dayactirilahaa Xerooyinka ciidanka ee Gobolka ku yaallay sida Xerada 21aad.

Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Diini,ayaa sheegay in Wasaaraddiisu ay dhawaan dayactir ku samayn doonto xerooyinka Ciidanka ee Gobollada isaga oo sidoo kale sheegay in ciidamada kusugan gobolka ay ka midyihiin kuwa xoogga dalka,  ayna helayaan xuquuqda ciidamada kale ay helaan.

Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Maxamuud Wehliye Cirfo ayaa u sheegay warbaahinta in xukuumadda Soomaaliya ay hadda diyaar u tahay qalabaynta ciidanka iyo dayactirka xerooyinkii ciidamada ee Gobolka ku yaal.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa todobaadkii la soo dhaafay waxa uu ku sugnaa Gobolka Galgaduud halkaasi oo uu u tagay xalinta dagaalkii dhawaan ka dhacay gobolka iyo u kuurgelidda xaaladda ciidanka Dowladda ee Gobolka kusugan Gobolka.